Cali Khaliif Galeydh Oo Loo Diiday Inuu Buuhoodle Ka Dago Iyo Diyaaradii Siday Oo Garoon Kale Caga-Dhigatay

0
55

Cali-Khaliif-Galeydh

Hargeysa (Hubaal) Waftigii uu hogaaminayay madaxweynaha maamullka Khaatumo Pro. Cali Khaliif Galeydh ayaa loo diiday inuu ka dago garoonka diyaaraduhu ka haadan ee Ismaaciil Mire ee magaalada Buuhoodle.

Waxaana wararka imika naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood  ayaa sheegay in Cali Khaliif iyo waftigiisii loo ogolaaday inay ka soo dagaan garoonka diyaaraduhu ay ka haadan ee Laascaanood, halkaasi oo ay soo caga dhigatay hada diyaaradii siday isaga iyo waftigiisa.

Dhawaan ayay aheyd markii koox hubeysani ay u diideen in Cali iyo waftigiisu ay ka dhoofaan garoonka Ismaaciil Mire, iyaga oo u duulayay dalka Jamhuuriyada Jabuuti halkaasi oo ay kaga qayb galayeen wajigii labaad ee wada-hadalada Somaliland iyo Khaatumo.

Waxaanay wararku sheegayaan in Cali Khaliif iyo waftigiisu ay uga gudbi doonaan dhanka magaalada Widh-widh isaga oo safarka dhinaca dhulka ah ku sii mari doona deegaanada Kalabeydh, Xidh-xidh iyo Buuhoodle.

Waxaanay wararku intaas ku darayaan in uu sababo amaan dartood uga dagi waayay garoonka diyaaradaha ee Ismaaciil Mire ee magaalada Buuhoodle.

Xigasho: Hangool

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here