Cali Khaliif Gallaydh Oo Carrabka Ku Dhuftay Ceelalyada Uu U Dirsanayo Wada-hadallada Uu Dawladda Somaliland La Gelayo

0
31

Waxa Uu Qaadacay Ka Qeyb-galka Gogosha  Nabaddeed Ee uu Madaxweynuhu Ka Fidiyey Burco

 cali-khaliif-galaydh

Hargeysa:(Hubaal)-Madaxweynaha maamulka Khaatumo Md. Cali Khaliif Galaydh, ayaa markale ka hadlay wada-hadalka la filayo inuu dhawaan u bilaambo Somaliland iyo maamulkiisa, waxana uu tilmaamay inay ka go’an tahay sidii wada-hadalkaas ay uga soo bixi lahaayeen wax shacabka ay dani ugu jirto.

Cali Khaliif waxa uu sidoo kale markii ugu horraysay ka hadlay cidda maamulkiisu u qorsheeyey inay wada-hadalladaas u metelaan, isagoo ku adkaystay inay golahaas u diri doonaan cid ay aad ugu kalsoon yihiin, “hawshu waa qaybsan tahay oo annakaa arrintaas xaq u leh, dadka aanu u magacaabaynaana waxa ay noqon doonaan qaar xukuumadda katirsan, qaar Baarlamaanka katirsan iyo qaar guddida wada-xaajoodka ka tirsan ayey noqonayaan, waxana ay noqonayaan dad lagu ogyahay inay qaddiyadda aaminsan yihiin oo ina meteli kara ayey noqon doonaan.” Ayuu yidhi Cali Khaliif.

Mudane Khaliif waxa uu kasoo horjeestay shirka xukuumadda Somaliland shaacisay inuu dhammaadkan bishan October ee aynu ku jirno ka furmi doono magaalada Burco, kaas oo udhexeeya xukuumadda iyo waxgaradka gobollada Sool iyo Sanaag-bari, waxana uu sheegay haddii shirkaasi dhaco inay meesha ka bixi doonaan wada-hadallada maamulka Khaatumo qorshaynayo inuu Somaliland la galo, waxana uu yidhi,“Shirka burco ka dhacaya madaxweynaha Somaliland, ayaa hore ugu dhawaaqay, midna waan idiin sheegayaaye shirkaas Burco iyo midka Khaatumo iyo Somaliland ma wada dhici doonaan oo mid baa meesha ka bixi doona, haddii ay Somaliland door biddo in midka ay nala yeelanayaan meesha ka baxo oo uu ka Burco dhaco iyagaa ikhtiyaar u leh, laakiin shirka Burco ma oggolin, mana ogin faa’iido uu iyaga laftooda u keenayo.” Isaga oo hadalkiisa sii wata Cali Khaliif Galaydh, waxa uu si dadban markale u sheegay in ciddii maamulkiisa katirsan ee Somaliland xil ka qabanaysay goor horeba qabatay,“Somaliland ciddii mansab ka rabtay hore ayey u tageen oo way joogaan, laakiin umadda Khaatumo waxa ay ku qancaysaa in dad ahaan iyaga oo isku dhan waxa ay xaqa u leeyihiin inay helaan.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here