Cali Khaliif Galleydh Oo Shalay Ka Dhex toosay reer Hargeysa Iyo Wargeyska HUBAAL Oo Xogo Kala Gedisan Ka Helay Biyo-dhaca Safarkiisa

0
233

Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Oo Markii Uu Hargeysa Soo Gaadhay La Dejiyey Hotel Maansoor

 

Gudaha Ka Akhri:  Tibaax Laga Weriyey Mid Ka Mid Ah Ergadii ay xukuumaddu u Wakiillatay Wadahadalladii Somaliland iyo Khaatumo Oo Safarka Cali Khaliif Ku Xidhiidhiyey Qoddob Uu Hore u dalbaday Oo Laga Aqbalay

IMG_8853BB-935735-8C7BE2-C3519D-9D2FD9-DE5A89

Hargeysa (Hubaal) – Hoggaamiyaha Kooxda wada-hadallada nabadeed kulajirta Jamhuuriyadda Somaliland Ee Khaatumo Prof. Cali Khaliif Gallaydh ayaa safar aan hore loo shaacin shalay kuyimi caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Safarkan oo lagu war helay uun isla shalay ayaa sida ay xalay cawayskii  ilo wareedyo la socday imaatinkiisu u sheegeen wargeyska HUBAAL, waxa ay ku tilmaameen in safarkiisu lagu war helay isaga oo Hargeysa dhex jooga, wallow aan la sheegin ujeedada socdaalkiisa iyo in xukuumadda Somaliland wax ka ogayd toona, hase yeeshee ilo wareedyadani waxaa ay tibaaxeen in   safarkiisa aanay ka madhnayn amuuro siyaasadeed ha ahaaddaan kuwo khuseeya wada-hadalladii ay xukuumaddu kula jirtay kooxdiisa iyo dabcan kuwo la xidhiidha xaallada siyaasaddeed ee deegaamada bariga somaliland oo xilligan ay siyaasiyiinta reer Somaliland ee gobollada Sool iyo Buuhoodle u dhashay olole ugu jiraan sidii ay u soo ceshan lahaayeen saamigii ay deegaan ahaan ku lahaayeen hogaaminta goleyaasha qaranka. Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa tibaaxay in imaanshiyaha Cali Khaliif ku qotomo sidii uu xukuumadda uga heli lahaa taageero siyaasadeed iyo mid maalliyadeed oo uu ku kasbado bulshada deegaankiisa iyo weliba sidii uu wakiil uga noqon lahaa saamiga ay beeshiisu kaga soo hagaagi doona qaadhaanka loo ururinayo dadka abaaraha ku tabaalloobay ee kasoo doogay.

War kale oo aanu ka helnay dhinaca madaxtooyada iyo xubno kamid ah ergadii wadahadallada Somaliland iyo Khaatumo ee dhinaca xukuumadda metelayay, oo xalay wargeyska Hubaal wax ka weydiiyey waxa ay ka ogyihiin imaatinka Cali Khaliif ayaa HUBAAL u xaqiijiyey in safarkiisu qayb ka yahay dalab uu hore uga codsaday ergo ahaan oo odhanayay kulan dhex mara isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo  inuu doonayo sidaasi oo ay tahayna uu codsaday in ay si gaar ah u kulmaan labadoodu, codsigaas oo markii laysla eegay laysla gartay in uu Hargeysa Yimaado Mr. Khaliif, Madaxweynahana la kulmo. Illaa haatan ma jiro cid si rasmi ah uga hadashay safarka Cali Khaliif, hase yeeshee xukuumadda Somaliland ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda warbaahinta u sheegto mawqifkeeda ku wajahan safarkiisa oo markii uu shalay galab Hargeysa soo gaadhay la dejiyey Hotelka Maansoor ee hargeysa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here