“Cali Khaliif Kale Oo Halkan Edeb Darro La Wareega Looma Baahna, Nin Cali Khaliif Eryada Ayaa Loo Baahan Yahay” Indho-indho

0
28

Hargeysa(Hubaal) – Afhayeenka aqalka Guurtida Somaliland, Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho, oo ka mid ahna mudaneyaasha ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag bari, ayaa ku dooday in rag ka daran Cali Khaliif Galaydh oo gobolada Bari ka soo jeedaa Hargeysa joogaan.

indho indho

Waxa uu sheegay in Ciidanka qaranka Somaliland nabad diid Cali Khaliif Galaydh ka sii saarayaan degmada Balicad oo uu gaadhay kadib markii wasiir Xaglotoosiye ka saaray magaalada Buuhoodle “Magaalada Buuhoodle ayay in carqalad ahi ka jirtay, Ciidamadii qarankuna meel Balicad la yidhaa ayay eryanayaan Ninkaas(Cali Khaliif), Ciidanka qaranka iyo wasiirka Caafimaadka ayaanu arrintaasi ku ammaanaynaa, Madaxweynaha iyo xukumaddana waanu ku ammaanaynaa,” ayuu yidhi Mudane Indho-indho.

Cabdiqaadir Indho-indho oo sii hadlaya ayaa yidhi “Kuwa ka daba qaylinayana waxaanu leenahay adeer mid ka daran Cali Khaliif ka aanu eryanayno oo meelahan iska fadhiya looma baahna. Wadankan in doorasho ka dhacdo oo wixii meelahaas ka yimid ee fidno wada laga eryo ayaa loo baahan yahay ee in la is xasaradeeyo looma baahna. Waxa loo baahan yahay shaqo iyo in nin waliba degaanka uu ka soo jeedo ku fillaado,” ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho.

Mudane Indho-indho waxa uu intaasi ku daray “Adeer Cali Khaliif Kale Oo halkan Edeb darro la wareega looma baahna, nin Cali Khaliif Eryada ayaa loo baahan yahay. Cali Khaliifka halkaas jooga mid ka daran oo halkan jooga oo ninkii wax qabanayay eryada looma baahna. Siyaasiyiinna maaha ee waa saaqidiin, waxaan dibin daabyo ahayn lama joogaan,” ayuu yidhi Mudane Indho-indho.

Afhayeenka guurtida oo arrintan markii u horaysay ka hadlay ayaa la safan Mudane Saleebaan Ciise Axmed oo ammaan ku mutaystay sida uu degaanka Buuhoodle uga muquuniyay Cali Khaliif Galaydh oo halkaasi u yimid xasaradaynta Somaliland.

Eedaha ay is waydaarsanayaan Siyaasiyiinta ka soo jeeda Bulshada Sool iyo Sanaag bari ayaa isa soo taraya iyadoo ay u kala jabeen laba garab oo mid uu hogaaminayo Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, ka kalena Baashe Managed Faarax, guddoomiye xigeenka Wakiillada.

Baashe oo dhawaan ka hadlay arrinta Buuhoodle ayaa ku dooday in arrintaasi u baahan tahay talo qaran, xaglotoosiye oo kaligii iska tagayna aanu waxba ka qaban karrin balse Xaglotoosiye ayaa hadalkaasi kaga jawaabay in Kursiga Baashe talo qaran u baahan yahay balse aanu Buuhoodle talo qaran u baahnayn.

Muranka labada dhinac ayaa salka ku haya fadhiidnimo lagu xidhiidhiyay siyaasiyiinta ku fadhiya Kuraasta bulshada Reer Sool iyo Sanaag Bari, kuwaasi oo hadda la doonayo in bulshadu soo doorato dad metela oo kalsoonidooda haysta.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here