Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan [Saleebaan-Gaal]
“Markii Lagu Dhawaaqayay Somaliland, Beellaha Darafyadu Iyaga Ayaa Ku Dhawaaqay Go’aanka [Qarannimada] Ee Beellaha Dhexe Kumay Dhawaaqin…. Inta Somaliland [Diidanni] Waa In Yar…”
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan [Saleebaan-Gaal] ayaa sheegay in loo baahanyahay in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo si bulshadu u hesho Isbedel. Guddoomiye Saleebaan oo shalay magaallada Hargeysa ugu warramay qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in golaha wakiilladu la cusboonaysiiyo “Doorashadu waa inay dhacdaa tii madaxwaynuhu isagoo dhaaranayaa oo waala qabanayaa waan maqlayay, ta wakiilladuna waa inay dhacdaa dadkuna isbedel ayuu u baahanyahay, khaladna maaha in bulshada lagu noqdo” ayuu yidhi Mudane Saleebaan. Guddoomiye Saleebaan waxaa kale oo uu ka hadlay qalalaase ka dhacay deegaanada beri maalintii la xusayay 18may iyada oo bulshadu goboladaasi ku nool qaarkood ku doodayeen inay Somaliland tahay beesha dhexe oo aan loo dhameyn. Mudane Saleebaan waxaa uu sheegay inay Somaliland ku dhawaaqeen beelaha darafyada Somaliland ee ka cabanaya beesha dhexe. “Beellaha darafyadu way ka qayb galeen markii Somaliland lagu dhawaaqayay oo iyaga ayaa ku dhawaaqay oo beellaha dhexe kuma dhawaaqin, inta Somaliland (diidani) waa inyar inta kale ayaa badan” ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Waxaa uu intaasi raaciyay oo uu yidhi “Hadii muwaadiniinteenu inaga cabatay Ilaahay hasoo hadeeyo, Cali Khaliif waa ninkaasi Ayga iska wareegaya ee dadka halagala hadho.”
Sidoo kale guddoomiyaha aqalka Guurtida Somaliland oo su’aalo warbaahintu ka waydiisay heshiiska dekada Berbera ayaa soo dhaweeyay qorshaha shirkada DP World ku maalgalinayso dekada Berbera isagoo dadka kasoo horjeeda ugu baaqay inaanay diidin heshiiskaasi maadaama aanu dhaqan galin.