“Wallaahi Inay Cakirmi Oo Ay Meelo Badan Innala Geli Ee Waa Dhafoor Taabashee Xaaji Saleebaanow Arrinka Halkaas Ku Jooji Oo Inanka U Caqli Celi”
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiye ku xigeenkii hore ee komishankii hore ee doorashooyinka qaranka Somaliland Md. Cali-khadar Xasan Cismaan (Cali-kubed) ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqyo lagu xidhiidhiyey guddoomiyaha Golaha guurtida oo ku saabsan aanno uu nin kasoo jeeda raaska guddoomiye Saleeaan ku andacooday in lagu dilay aabihii rubuc qarni ka hor kaasi oo uu ku eedeeyey in uu ka dembeeyey siyaasiga Ismaaciil Buubaa oo dhawaan dalka ku soo guryo noqday. Cali-kubad oo qoraal dheer oo uu kaga hadlayo arrintan ku baahiyey barta uu Facebook-ga ku leeyahay waxaa uu ka digay cidhib-xumada iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta in lasoo fadho wixii laga heshiiyey isla markaana aan lagu gabraaran awoodda dawladnimo isaga oo si gaar ah farriin ugu diray Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland oo uu sheegay in uu abaabulay guddiyo ka gar naqa arrintan. Qoraalka Cali-kubad oo dhamaystiran waxaa uu u dhignaa sidan:
“Hada Wax korodhso wax beel bay dhashaa,bal adba: Maahmaah ingiriis ah baa tidhaahdo, markaad awood (sida ta dawladnimada ) leedahay, denbiyada waxa gala uun dadka kale ee aan awooda kula lahayn (For the powerful, crimes are those that others commit.). Shalay waxay ahayd Siilaanyo ayaa diley Muj. Aadan shiine iyo Muj. Abdiqadir koosaar, Maantana waxa lala gole yimi Ismaaciil Buubaa baa Muj. Dolaal aabihii diley! Soomaliland waxay soo martay marxalado kala duduwan, oo waxay maanta halkay joogto ku soo gaadhey isa saamax la iswada cafiyey, danta guud oo la wada ilaashado, iyo habkii qabiilka inta laga guuro, loo diga rogto xusbiyo iyo iskaashi dad weyne si aynu u samaysano dawlad casri ah oo cadaalad ku salaysan, si aynu ictiraafna u helno, beesha caalamkana uga mid noqono. Iscafiga Soomaliland waxuu ahaa mid la mid ah, ama ka heer sareeya kii ka dhacay Dalka koonfurta Afrika. Keenu waxuu qotomey diinta islaamka, walaaltinomo, iyo dhaqanka suuban ee Soomaliland ku caano maasha ee ah, “waxii daantaas yiilaney daad ha qaado, waxii daanta kale yaaleyna dabayli ha qaado.” Marka la isxamanayo iyo xuuraanka reer Soomaliland dhex yaal, waxa la yidhaahdaa waar qoladii H/jeclo waxay ku jiraan badhbadhaanay, waayo iyaga oo tijaar hore lahaa bay dawlada Kulmiyena wax yaabihii hore u jirey, ay wax kale ugu sii dartay. Sida madaxweyne Siilaanyo, gudoomiyaha guurtida Haji Saleebaan, Wasiirka wasiiradii siday dadkuba yidhaahdaan, Wasiirka macdanta, iyo Wasiirka duulista iyo hawada. Xanta kale ee intaas raacdaa waxa weeye iyadoo wax kasta oo mashaariic iyo contract-yoba ah xaga xaafadan lagu tuhmo inaanu digo-xaadh marinay il kasta oo dhaqaale. Hada Waa sidii ay dad badani qabaan, ilayn fule xantii ma moogee. Waxaan uga goleeyahay, maanta iyadoo ay jiraan cabashooyin kale oo ay ka mid tahay maamul xumo iyo musuqmaasaq dawladnimo oo baahsani, galbeedka iyo Awdal oo ay xisilooni la’aani ka jirto, oo ay tii ciyaaraha goboladu ugu danbeysey, iyo arrimo kale oo badani, inuu dhowaan nin mujaahid ah oo iminkana ah sarkaal ciidan Dalka Soomaliland ka mid ah sida la iisheegay,uu yidhaahdo Aabahay waxa dilay Ismaaciil Buubaa dee waa dabkii hore xaabo kale Sii Saar. Waa arrin siyaasadaysan, sababtoo ah waxay Isla garteen gudoomiye Saleebaan Moxamud iyo odayaal reer salaxley ahi, in la sameeyo gudi uu gudoomiye Saleebaan soo xulay oo bariga Burco matelaya, iyo gudi reer Salaxley ah si ay dacwadaaas u wada gorfeeyaan. Labada gudi curintoodana waxa Iska lahaa gudoomiye Saleebaan Moxamud Aadan. Waa halkaas halkay sartu ka qudhmaysaa, waayo waxa isku dhex jira oo aan lakala garan karayn qabiil iyo qaran, maxkamad dawladeed iyo mid xeerbeegti. Reer loo arkayo inuu dawladnimadii iyo qabiilnimadii ba ku shaqaysanayo, iyo reer dawladii dibada ka jooga oo loola yimi dawladnimo sheegasho iyo qabiil wax ku doon dhaqan ahaan loo soo maray. Waa wax u eg “Hashii laba midig luhu uleeyey.” Ta kale, haduu Mujaahid Doolaal sarkaal yahay oo uu cabasho muujiyey ma isagoo milateri ah buu shicib ashkataynayaa, mise way arrin medeni/ civil ah, mise Waa mid qabiil iyo xeer qabiil lagu furdaamin karo? Weli Ma cada Habkii loo geli lahaa. Ta labaad, waa la is wada cafiyey oo dhibaatooyinkii iyo hagardaamooyinkii la soo wada maray ilaa Bari guntii ilaa galbeed guntii Waa la isasaamaxay, ee maxaa iminka iyo Ismaaciil Buubaa imashadiisu ay bedeshey, oo aynu mar hore u maqli weyney eedaytan iyada ah, ee miisaankan leh, ee uu xitaa gudoomiye Saleeban khanka u galay? Gebogebo ahaan, Waxaan ku talin lahaa inay dawladu aanay arrinkan dhayalsan oo iminka si deg deg ah usoo afjarto. Gudidan labada reer matelaysana la kala diro oo halkaas arrinka lagu joojiyo, waayo dhidar xabaalo qodaa qudhun buu uga dhacaa. Hadii kale Waxaa iman doonto file/ “malafyo la furaa malafyo lafuro bay lee yihiin.” Waxa dhici doonta rag madaxsare ah oo xaafadayada ahna in farta lagu fiiqi doono. Oo ay Siilaanyo, Saleebaan,Haa Doolaal laftigiisa, iyo rag badan oo kaleba sidii baryo horeyba loo eedeyn jiray ama run ha ahaato ama been ahaatee iyaguna ay liiska Ismaaciil Buubuu ay ku xigi doonaan. Walaahay inay cakirmi oo ay meelo badan oo aan laga filaynin innala geli, ilayn Waa mindi mindi ku taag iyo isdhafoor taabasho’e. Xaaji Saleebanow arrinka halkaas ku jooji oo inanka mujaahidka ah u caqli celi, oo haduu wax tabanayo dawladii baad maanta mindida daabkeedii aad haysaaye fadhiisi oo wax u maaree, oo arrinka furdaami. Kaa akhrisan maynu Reer Salaxley iyo Bariga Burco baa maanta arrin dagaaladii sookeeyaha ku saabsan laba gudiyood oo iyaga kala metelaya ay Isla soo hor fadhiisanayaan. Hadiise laga joogi waayo, Waa dhab noqonaysa maahmaada kor ku Xusan ee ingiriis ka ah. Yeynaan Iska kala tuurin inta yar bay ila tahay. Si kastaba ha ahaatee, waxaynu nahay reero isu tegtegey oo wax wada yagleelaya oo itaalku meel kasta ha dhigo’e, qaran dhamays tirin sahan ugu wada jira. Dawlada baan ahay iyo hab qabiil baan dadkayga kula dhaqmayaa innagama wada qabato reer Soomalilandka kale Xaaji Saleebaanow!…….. Bal aynu dhinac uun isugu luga duwano Inaadeer.
Mahadsanid, Ali-kubad