Cali-warancadde Oo Noqday La-taliyaha Kaliya ee Madaxweyne Siilaanyo Kasoo Ag Muuqda Waqtiyada Warbaahinta La Hor Joogo

0
43

Waxa uu Kasoo Dhex Baxay Boqolaal La-taliye Oo Culays Mushahar Mooyaane Aan Qaranka Wax Kale Kusoo Kordhinin

warancade oo madaxweynaha la socda

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland, haatanna ah La-taliyaha gaarka ah ee madaxweyne Siilaanyo, ayaa isagu noqday masuulka kali ah ee kasoo xaadira fagaarayaasha iyo munaasibadaha uu madaxwyenuhu ka qaybgelayo, isaga oo si ka duwan la-taliyayaasha tirada badan ee madaxweynuhu leeyahay u muujiyey inuu yahay qof shaqaynaya.

La-taliye Cali oo muddo kooban xilkan hayey, ayaa la arkay isaga oo madaxweynaha garabkiisa jooga, isla-markaana muujinaya inuu shaqaalaha madaxweynaha kamid yahay, waxana is muujintiisa ugu dambaysay socdalaalkii koobnaa ee uu madaxweynuhu shalay ku tegay Cusbitalaka guud ee Hargeysa oo uu Cali laftiisu kamid ahaa siyaasiyiintii tirada badnayd ee madaxweynaha hareerihiisa yaacaysay.

Cali Maxamed Waran-cadde oo lagu xanto inuu kamid yahay shakhsiyaadka tirada yar ee dawlad yaqaanka ah, ayaa tan iyo intii la magacaabay si weyn ugu xidhan madaxweynaha, waxana inta badan la arkaa isaga oo madaxtooyada subaxa hore soo gelaya oo mararka qaarkoodna madaxweynaha shirar kula jira, isaga oo muujiyey inuu yahay qof qaranka shaqo u haya oo aan kaliya mushahar uu qaato uun meesha u joogin.

Hannaanka cusub ee uu Cali-warancadde isu muujinayo iyo xidhiidhka joogtada ah ee uu madaxweynaha la leeyahay, ayaa ah mid uu kaga duwan yahay dhammaanba la-taliyayaasha uu madaxweyne Siilaanyo leeyahay oo aan cidina tiradooda rasmiga ah aqoonin, kuwaas oo mushahar kaliya uun qaata oo aan wax afkaar ah kusoo kordhin madaxweynaha iyo qaranka ay culayska ku hayaan midkoodna.

Haddii ay la-talyayaasha kale ee madaxweynuhu sida Cali waran-cadde oo kale u muujiyaan shaqada ay qaranka u hayaan, waxa dib usoo noolaan lahaa sharaftii iyo milgihii ay la-talyayaashu lahaan jireen oo iyagu aasmay markii ay tiro badnaan iyo tayo xumaan isku darsadeen, isla markaana bulshadu fahmi weyday waxa ay qaranka faa’iido u leeyihiin ee ay mushaharka kaga qaataan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here