“Cali Warancadde oo NSS-tii Siyaad Barre u shaqayanayey, Waxay Ahayd in Liis Madow Lagu Qoro”

0
50

– Muj. Maxamed Xaashi Oo Ku Baaqay In Saraakiisha Ka Tirsanaan Jiray NSS-tii Siyaad Barre Aan Xilal Loo Dhiibin

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirkii hore ee maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay inay haboontahay sidii liis madaw loogu qori lahaa xubnaha Siyaad Barre la shaqayn jiray si looga ilaaliyo inay xilal ka qabtaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo hadal ka jeediyey kulan waxgaradka, siyaasiyiinta iyo dhallinyaradda beesha Subeer Awal ku yeesheen hudheelka Crown ee magaalada Hargeysa habeenkii Jimcaha, waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay hawlgal ciidan boolis ah isku dayeen inay horjoogsadaan shirkaas, iyadoo xubno Maxamed Xaashi ku jiray dusha lagaga xidhay masjid ay ku cibaadaysanayeen si aanay shirkaas uga qaybgelin.

Maxamed Xaashi“Waa nasiib-darro arrimahan halkana caawa kala kulanay iyo cabudhis intaas leeg, waxaan qabaa annagu waxaannu ahayn qoladii SNM aasaastay, waxaannu ka dhiidhinay waxay ahayd cabudhinta iyo cago-juglayntii Ina Siyaad Barre, tii aannu xilligaas ka dhiidhinay ayaa caawa (habeenkii Jimcaha) kala kulanay xukuumada Siilaanyo madaxda ka yahay, weligay meesha ma soo dhigan in ciddi dalkan nooga lexejeclo badan tahay, mana doonayno in aannu wax fadqalalo ah samayno, mana aqbali karno sidan wax loo waddo,” ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.

Waxa kaloo uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde ku eedeeyey inuu ka dambeeyey tallaabooyinkii boolisku qaadeen si ay u baajiyaan kulanka ka dhacay hudheelka Crown ee magaalada Hargeysa, waxaannu yidhi; “Maaha in Cali Warancadde (Wasiirka Daakhiliga) oo NSS-tii Siyaad Barre u shaqayanayey inuu albaabka innaga xidho, waxay ahay in liis madow lagu qoro intii Siyaad Barre la joogtay oo aanay dawladda u shaqayn.”

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay in masuuliyiinta xukuumaddu kitaab gacanta saareen, kuna dhaarteen inay dalka iyo dadkaba daacad u yihiin, balse, aanay masuuliyadaas ka soo bixin hadda, waxaannu yidhi; “Kitaab bay gacanta saareen inay dadka iyo dalka daacad u ahaanayo oo dadkiisu u sinanayo, kitaanbkaas inta ku dhaaratay madaxweynaha oo qudha maaha ee wasiirrada iyo Baarlamaanka ayaa ku dhaartay. Waxyaabaha imminka soo socda way ku fashilmeen, dalkeenna sida aynu u badbaadin lahayn, qalloocana looga saari lahaa ayaa loo baahan yahay.”

Waxa kaloo uu xusay inay muhiim tahay sidii loogu dhaqmi lahaa shuruucda iyo xeerarka dalka u yaal, isagoo naqdiyey go’aankii guurtidu ka soo saareen khilaafka KULMIYE, waxaannu yidhi; ‘Sharciga aynu dhiganay ayaa ah inay ku shaqayno, nimankii guurtida ahaa inay iyaguna sharcigii ka leexdeen oo wax ay soo malmaluuqeen yidhaahdeen wax baannu ku qaadanaynaa waa nasib-darro weyn, waxa sharciga loo dhigtaa in lagu kala baxo oo la isku ilaaliyo, inta dadka la xidhxidho la yidhaah hayb hayb loo waraysto oo wixii reer gaar ah la yidhaahdo waa la xidhayaa waa ceeb weyn. Waxa la samaystay RRU-da, waxa ay u dhaceen carruurtii uu dhalay mujaahid beri hore geeriyooday, meel ku filan in waraaq loo keeno ayaa habeen badh carruurtii laga sasinayaa.”

Dr. Maxamed Cabdi Digtoorka oo isna hadal ka jeediyey kulanka waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, odayaasha iyo dhallinyarta Subeer Awal isugu yimaadeen, kaasoo sheegay in waxyaabihii SNM ka abuuran tahay iyo ficiladii dadka lagu dhibi jiray xilligii Siyaad Barre ay hadda ka taagan yihiin dalka Somaliland, isagoo go’aankii guurtidana ku tilmaamay mid dhinac ka rarnaa oo cidlo la diray hoggaanka KULMIYE.

Waxa kaloo kulankaas hadalo ka jeediyey odayaal, waxgarad iyo masuuliyiin kala duwan, kuwaasoo dhaleeceeyey go’aankii guurtidu ka soo saartay khilaafkii KULMIYE, iyagoo sidoo kale dhalliilo kala duwan u jeediyey xukuumada madaxweyne Siilaanyo.

“Cali Warancadde oo NSS-tii Siyaad Barre u shaqayanayey,  Waxay Ahayd in Liis Madow Lagu Qoro”- Muj.  Maxamed Xaashi  Oo Ku Baaqay In Saraakiisha Ka Tirsanaan Jiray NSS-tii Siyaad Barre Aan Xilal Loo Dhiibin

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirkii hore ee maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa sheegay inay haboontahay sidii liis madaw loogu qori lahaa xubnaha Siyaad Barre la shaqayn jiray si looga ilaaliyo inay xilal ka qabtaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo hadal ka jeediyey kulan waxgaradka, siyaasiyiinta iyo dhallinyaradda beesha Subeer Awal ku yeesheen hudheelka Crown ee magaalada Hargeysa habeenkii Jimcaha, waxa uu  nasiib-darro ku tilmaamay hawlgal ciidan boolis ah isku dayeen inay horjoogsadaan shirkaas, iyadoo xubno Maxamed Xaashi ku jiray dusha lagaga xidhay masjid ay ku cibaadaysanayeen si aanay shirkaas uga qaybgelin.

“Waa nasiib-darro arrimahan halkana caawa kala kulanay iyo cabudhis intaas leeg, waxaan qabaa annagu waxaannu ahayn qoladii SNM aasaastay, waxaannu ka dhiidhinay waxay ahayd cabudhinta iyo cago-juglayntii Ina Siyaad Barre, tii aannu xilligaas ka dhiidhinay ayaa caawa (habeenkii Jimcaha) kala kulanay xukuumada Siilaanyo madaxda ka yahay, weligay meesha ma soo dhigan in ciddi dalkan nooga lexejeclo badan tahay, mana doonayno in aannu wax fadqalalo ah samayno, mana aqbali karno sidan wax loo waddo,” ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here