Hargeysa (Hubaal) – Safiirka Cusub ee Somaliland u fadhiisan doona Dalka Itoobiya Ambassador Cali Maxamed Warancade horena u ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay in uu madaxwayne Siilaanyo ka ogolaaday in laga qaado Wasaarada Arrimaha Gudaha.
Danjire Warancade, waxaa uu cadeeyay in madaxwaynaha Somaliland u yeedhay markii uu sameynayay isku shaandheynta oo uu ka dalbaday in xilkaasi uu ka qaadayo islamarkaana uu u magacaabayo wasaarada duulista iyo hawada Somaliland oo uu ka diiday kadibna uu doortay safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland.
“Madaxwaynuhu wuu igala tashaday markii uu xilka iga qaadayay anna waan la qaatay, wasaarad kale oo la ii magacaabay waan ka cudur daartay, safiirkana Itoobiyana aan dalbaday maan khaldamin”ayuu yidhi wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Cali Warancade oo shalay xaflada xilka uu ku wareejinayay wasiirka cusubka ka hadlayay.
Danjire Cali Warancade, waxaa wasiirka arrimaha gudaha muddo afar sano ah kaasi oo loo magacaabay kadib markii uu burburay xisbigii Udub ee uu uga sharaxnaa madaxwaynaha.