Cali Warran-cadde Oo Ka Digay Shirqoollo Dhagaraysan Oo Uu Sheegay In Ay Soomaaliya U Maleegayso Somaliland

0
62

“Waxaan  U  Sheegayaa  Maamulka  Soomaaliya  Iyo  Xulafadooda U  Diyaar   Garoobay  In Ay  Mandaqaddan Ka  Huriyaan  Colaad Cusub  In   Aayo-Xumida  Ka Timaadda Ay  Tunka   U Ridan Doonaan”

Cali-Maxamed-Waran-cadde

Hargeysa (Hubaal) – La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland Cali Maxamed Warran-Cadde oo safar ku jooga Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa soo saaray War-Saxaafadeed uu kaga digay Shirqool uu sheegay inay Soomaaliya u Maleegayso Somaliland.

War-Saxaafadeedka Cali Warran-cadde oo soo gaadhay Hubaal, ayaa u qornaa sidan “Waxaa Muuqata Inay  Soomaaliya u diyaar-garoobays Sidii  ay Hab Milletari iyo  Xoog   ugu soo  Dabaali lahayd  Somaliland   waxay  ugu  yeedhaan  Midnimada Soomaaliya. Somaliland iyo  Soomaaliya waxay  dunidu   ku ogayd   inay wada-hadal iyo  nabad-gelyo ku  dhamaystaan  arrimaha  siyaasadeed  ee ka   dhaxeeya.Hasa-yeeshee  waxaa  muuqata  in maamulka Soomaaliya  arrintaasi   aanay  u  cuntamin oo ay   ka doorbideen in is  muquunin iyo  xoog  ku  bedelaan   wada-hadalkii oo  imika  in  muddo  ah  ay  ka  caga  jiidayeen.

Muddoooyinkan  danbe  hadallada  Maamulka Soomaaliya  waxaa  kamida   ahaa  (in  wax kasta  oo ay   kaliftaba  ay  u   marayaan sidii  Gobollada  waqooyiga loogu soo  celin lahaa  midnimadii   Soomaaliya)  taasi   oo macnaheedu   yahay  in maamulka  Soomaaliya uu  xoog   isticmaali doono. Waxaanay hadda bilaabeen Faro-gelin  toos ah oo  aan   Geedna  loogu  soo  gabban, waxaanse  u  sheegayaa  Maamulka  Soomaaliya  Iyo  Xulafadooda u  diyaar   garoobay  in ay  Geeska  Afrika  Iyo   Guud   Ahaan   Mandaqaddan ay  ka  huriyaan  colaad cusub  in   aayo-xumida  ka timaadda ay  tunka   u ridan doonaan. Ummada Reer Somalilandna   waxaan ugu  baaqayaa  Midnimo iyo  isku  duubnaan  iyo inay ka  feejignaadaan   cadowtinimada  ay  Maamulka  Soomaaliya   u  maleegayaan   Qaranka  Somaliland.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here