Calmaanigu Waa Abkee?

0
24

Waxa curiyey: Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdille “Shaacir”

 

Maansadani waxay wax ka tilmaamaysaa aragtida calmaaniyadda oo ah in la kala saaro diinta iyo siyaasadda, amaba guud ahaanba diinta iyo nolosha; iyo aragti kale oo iyana la yidhaa Caqlaaniyadda oo aamisan in diinta laga hormariyo laguna saleeyo caqliga bani’aadamka. Haddii aynu dib u milicsano taariikhda, calmaaniyaddu waxay soo if-baxday ku sinnaan dabayaaqadii qarnigii 16aad kadib markii qaaradda Yurub ay isu kaashadeen boqortooyooyinkii iyo wadaaddadii  kiniisadahu.Kuwaas oo cadaadis xoogleh saaray bulshadii ay xukumayeen.

 

Aqoonyahankii iyo dadwaynihii kale oo iskaashaday ayaa kacdoon kala horyimi. Dagaalo  qadhaadh kadib  waxaa la jabiyay boqortooyiiyinkii iyo wadaaddadii kaniisadaha. Halkaas ayay ka dhalatay figradda ku baaqaysa in la kala fogeeyo diinta iyo siyaasadda ama guud ahaanba nolosha iyo diinta. Aragtidani waxay jahawareer galisay caalamka Islaamka, waxaanay la jaan-qaadiwayday diinteena suuban.Waxaanay leedahay maansadu:

 

 

 

Af-iyo dhaqan baa jiree

 

Ekeeye haddaan la mudan

 

Shareeraha lagu astayn

 

Sarbeeb ubax looga dhigin

 

Xus iyo arar lagu dalayn

 

Ugaadhana loo qofayn

 

Murtida arad baa dilee

 

Ugbaadsiga haw daraan.

 

 

 

Aboodi dareen la kacay

 

Abwaan hore sii tilmaan

 

Asaayo intaanay dhicin

 

Astaamo jiraan gartaa

 

Amaano qofkii sidaw

 

Adduunyadu waa sabool

 

Abuurta nin diidanaw

 

Ilaah lama beenin karo

 

Afkaar nin ku doodayow

 

Aayaad culus baan arkaa

 

Ardaaguna waa xariir

 

Argeegta markaan dulsudho.

 

 

 

Adduunka sharbaa ku fiday

 

Ardaalo jinbaa u kacay

 

Aqoon nacabaa dhex taal

 

Abuurtu hankay lahayd

 

Jidkay ku agaasinayd

 

Ogaal kooduun ka dhigay

 

 

 

Abeeso ninkii yaqaan

 

Miyuu wax ku aaminaa

 

Awayti haddii la bido

 

Indhoole muxuu haggaa

 

Kumaa awr lagu xidhaa

 

Amaanku dhankee jiraa

 

Addoon ku badbaadayaa.

 

 

 

Indheer- garad waa yaqaan

 

Jidkii lagu oodmayee

 

Waxaan la ilduufi karin

 

Waxaan asaraarba galin

 

Islaamku halkuu wax dhigay

 

Ajana ruuxii sitaw

 

Waxaa lagu oon baxaa

 

lXareeda agtaada taal

 

 

 

Abeer ninka raadin jiray

 

Adeentida waa yaqaan

 

Calmaanigu waa abkee

 

Halkuu ku aroorayaa

 

Dhankuu waxka  eegayaa

 

Markay asal sheegad tahay

 

Halkee odaygiisu galay

 

Awliyo sharbaa jirtee

 

Inshaaro muxuu yaqaan

 

Haddii xaqa lagu addimo

 

Intuu wax addeecayaa

 

Addoon ma rumaysan yahay

 

Haddii arrin loola tago

 

Anaani miyuu noqdaa

 

Ufiyo weedh baa jiree

 

Aloolka muxuu ku daday

 

Ugaaska ninkii ahaa

 

Abaanka muxuu ku falay

 

Anfaacigu waa xujee

 

Acmaasha muxuu u gaday

 

 

 

Afeef dhalan baa ka adag

 

Cadhiyo umal buu la kacay

 

Xantiisana waa og yahay

 

Wuxuu Aabaw nayidhi

 

Akhyaarta haddaa nacdaan

 

Calmaaniga eer sataan

 

Aqoonta raggii lahaa

 

Haddaa ku aleegadaan

 

Adduunka nimaan aqoon

 

Asaagii wax laqaybsanayn

 

Haddaa na agjoojisaan

 

Dharaar naga eexataan

 

Galool ubax laa jiree

 

Adaahi ku doorsataan

 

Amuuraha aan isgalin

 

Haddaa isku aabudhaan

 

Aftahan lagu soo hirtiyo

 

Ilbixi waa yaaban yahay.

 

 

 

Noloshu ma abaydin baa

 

Malcaamad nin ka soo aflaxay

 

Halkuu ka abbaarayaa

 

Iimaan nin ku doodayaa

 

Siduu u asiibayaa

 

Salaad ninka oogayee

 

Kitaab u adeegsadaa

 

Miyuu ku ammaanan yahay

 

Astaamaha dawladnimo

 

Markay waxaqoolistahay

 

Arkaantu miyay gashaa

 

Xafiis eedaan ka baxay

 

Muxuu ku astaysan yahay

 

Siyaasadu waa afkaar

 

Aayaadku ma soo galaan.

 

 

 

Haddaa ajar doonaysaan

 

Kitaabka abqaalaysaan

 

Agoon dhaxal wayday iyo

 

Dulmiga maa oolisaan

 

Aroos maa meherisaan

 

Axkaamtu halkay lahayd

 

Asluubtaan beri  iqiin

 

Shareecadu aamusnayd

 

Masaajid ku urursanayd

 

Maxaa uga oogsateen

 

Habeen u abraaraysaan.

 

 

 

Jawaab nin ku aarsadaa

 

Nasteex kuma aadanee

 

Waxaa odaygii la yidhi

 

Ilaah waa laga baqaa

 

Aayaha waa loo tudhaa

 

Fircoon uubtuu ku dhacay

 

Ulbaa lays kaga dayaa

 

Naftuna edebbay rabtaa.

 

 

 

Habeen ashqaraarka

 

Ardaa lagu raagay

 

Haweenay akhyaara

 

Anfaacina keentay

 

Ayaa tidhi eegga

 

Malaa ururkiinan

 

Maanlaawe asqoobay

 

Arbaw lagu sheegye

 

Miyaan araggiinu

 

Intiisaba dhaafin.

 

 

 

Markii arah loo tartamay

 

Af iyo laba daan tasheen

 

Adoonba adoon wax biday

 

Kashana laga sii araday

 

Asoolka markay janteen

 

Naftii uskak raaciyeen

 

Siyaasad ku abadarmeen

 

Qof iyo aashii hadleen

 

Bulshada amar baa ku dhacay

 

Ugaadh didaybay noqdeen

 

Sibay u asqaysan yiin

 

Rajiyo amal baan lahayn

 

Ayaankuna hiilin waa

 

Waxay umaduhu dumaan

 

Akhlaaqda markay lunshaan.

 

 

 

Ammaantu waxay hoddaa

 

Nimaan runta aaminayn

 

Ilduufka waxaa yaqaan

 

Amaano qofkaan lahayn

 

Abaartuna waa qalbiga

 

Kashaa laga oon baxaa

 

Iimaankuna waa yiqiin.

 

 

 

Islaamka iyo daacaddii

 

Xaqii lagu uur samaa

 

Caqlaanigu eed ku sheeg

 

Daliilkana iin u yeel

 

Anaaniyad baa jirtee

 

Asxaabta badhbuu inkiray

 

Usuushiyo toobaddii

 

Ujeedda kaluu u dhigay

 

Aroori ninkii u baxay

 

Armaa axankiisu yaal

 

Ninkii shar aloosayaw

 

Aday talo kuu egtahay.

 

 

 

Awoodda markuu isbiday

 

Markuu axdar sii dhexgalay

 

Iblays amar baa ku dhacay

 

Amaarad shishaa ku taal

 

Wuxuu ku aroorayaa

 

Halkay axashiisu tiil.

 

 

 

Abaalka in aanu gudin

 

Insaan waa lagu yaqaan

 

Qabbaa aadmiga ku ladhan

 

Aabiga duul baa kulumay

 

Abbaartuna waa sidii

 

Ayaamana waan aqaan

 

Halkay ku idlaanayaan.

 

 

 

Aloog ninka daaqsadaw

 

Artala roobbaa ka da’ay

 

War baa iimay ka jira

 

Ogaalka intaad ogtahay

 

Intuu aragaagu yahay

 

Miyuu aashaa cilmigu

 

Habeen ku ekaanayaa.

 

 

 

Abaajiga ruux ku lumay

 

Xaquu ka irdhoobayaa

 

Runtuu ka ilmaynayaa

 

Wuxuu ehel moodayaa

 

Halkay ajashiisu tiil

 

Adduunka nin qooqayaw

 

Ayaama kalaa jiree

 

Amaanada  haysa siin.

 

 

 

Awood Rabbi baan u qiray

 

Ergana Nabigaa ahaa

 

Iimaankana deeq ka wayn

 

Aadmigu wili muu hantiyin

 

Arkaantuna way caddahay

 

Xaqaa la ajiibayaa

 

Allena toobaanu idhi.

 

 

 

Dhammaad

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here