Ugu horeyn hambalyo kal iyo laab ah aan u diro dhamaan saraakisha kala duwan iyo askarta booliska Somaliland gaar ahaan taliyahooda Sareeyo guuto C/lahi Fadal Iman sida ay heeganka ugu yihiin ilaalinta amniga dalka gaar ahaana aan ugu hambalyeeyo sidii ay gacanta ugu soo dhigeen kooxdii weerarka ka geysatay aqalka badhasaabka ee gobolka Awdal. Tan iyo markii aan kamidka noqday xisbiga mucaaridka ah ee waddani waxaan ahaa dadka xooga u dhaliila taliska booliska gaar ahaan taliyaha guud ee ciidamada booliska aniga oo dhowr mar ku dhalillay dhacdooyin ka dhacay caasimada iyo gobolada dalka qaar markaas oo aan u arkayey in masuuliyad darro baddani ka muuqato dhanka hogaanka ciidanka, balse waxaan daraasad aan sameeyey bilihii u danbeeyey ku ogaaday caqabada iyo culeyska ugu weyn ee haysta boolisku iney tahay wasaarada arimaha gudaha Somaliland iyo masuuliyiinteeda.
Miisaniyad sanadeed kasta waxaa ugu weyn ee ahmiyada la siiyaa waa amaanka dalka kaas oo kharash hor leh loogu darro miisaaniyada qaranka maadaama oo amnigu yahay aasaaska nolosha sidoo kalena yahay waxa kaliya ee Somaliland dunida ka iibiso si gaar ahna ay ugu soocan tahay mandaqada geeska ee dalkeenu ku yaal. Waxaa jirta oo soo noq noqoneysay bilihii u danbeeyey dhacdooyin murugo iyo muraaro dilaac ku reebay bulshada Somaliland kuwaas oo boolisku rasaas ay rideen madaxa kaga dhacday dhalinyaro kala duwan, Waxaana ugu danbeeyey marka laga imaado kuwii hore tii awdal ka dhacday, dabcan dhibi way dhici kartaa askariguna xabada uu ridaa qof unbey asiibeysaa balse waxaa ugu weyn ee la isweydiinayaa waxaa weeyey maadaama oo ay wasaarada arimaha guduhu tahay wasaarada u xilsaaran amniga dalka ma waxay awoodi kari wayday iney yareyso dhimashada shacabka iyo askarta laftirkoda oo dhaawacyo xoog badan la gaadsiiyo markasta oo dhibic dhacdo?
Sida loo yaren karaana ay tahay iyadoo loo soo iibiyo booliska suntan dadka ka ilmeysiisa iyo qalabka ka hortaga rabshadaha haddii xitaa dunidu ka iibin wayday ma waxay awoodi kari waayeen ine la imaadaan aragti ah iney dalalka jaarka sida Ethiopia iyo Jabouti idhaahdaan naga caawiya qalabkaas?
Wasaarada waxaa jooga 4 wasiir kuwaas oo midba dhinac qaabilsan yahay balse tiro badnaantooda iyo tayo la,aanteedu isma laha markaad si caqli ah ku cabirto oo caadifad ka fog.
Boolisku waxay u baahan yihiin qalab kala duwan sida isgaadhsiin u gaar ah, budhadh casir ah oo laysar leh, mootooyin badan, haddii gaadiidku qaali kuba yahay, direys tayo leh, mushahar mugleh iwm kuwaas oo u wada sahlaya gudasha hawl maalimoodkooda maadaama oo ay koroyso tirada bulshada Somaliland markastana uu imanayo khilaaf bulsheed gaar ahaan ka ugu weyni ka kaco dhulka
Masuuliyiinta wasaaradu waxay aqoon amni u leeyihiin oo kaliya iney soo fadhiistaan saxaafada horteeda iyagoo ku labisan suudhadh mad madow kadibna intey is xoodaan ku galad sheegtaan wixii guulo ah ee ay soo hooyaan taliyaha booliska iyo ciidankiisu
Runtii ma arkeysi iyadoo la leeyahay wasaarada waxay maanta furtay shirweyne lagaga hadlaayo tayeynta ciidamada iyo cududooda
Wataas maanta masuuliyiinti dawlada guryahoodii lagu weerarayo amni kale oo ay sugaan iska daayee iyagiiba lafahoodi isku ilaalin kari la,
Waxaan halkan ummada Somaliland ugu sheegayaa in Taliyaha Booliska Somaliland iyo ciidankisuba yihiin kuwo kali ku noqday amniga dalka oo waayey ciddii marjaca u aheyd mihiimna ay tahay in shacabku la shaqeeyaan
Ma jecli inaan sheego wax badan waayo waxaan ogahay iney jiraan cadow badan oo haddii xogo badan helaan ka faa,ideysana balse waxaanu ku talineynaa gaar ahaana u sheegayaa Madaxweynaha Somaliland inuu sida ugu dhakhso badan hoos ugu eego wasaarada arimaha gudaha ciddii ehelka u aheydna xilkaas ugu dhiibo shacabka
Taliyaha booliska Somaliland waxaan ugu hambalyeynayaa dadaalkiisa joogtada ah waxaanan leeyahay masuul qaran oo xilkiisa gudanaya ayaad tahay waanu kula shaqeynaynaa balse ku dadaal inaad xooga saarto xalkii lagu badali lahaa xabada ciidanku isticmaalyaan
Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi Batun
Political and civil rights activist
Email: Barkhad909@live.com
Hargeisa Somaliland