waa kii ahaa cinwaankii halxidhaalihii aynu halkan ku soo qoray, ee ninkii kabaha iyo baaqiga isku darsasdey. In badan oo saxiibada ah ayaa iga sugayay jawaabtii, inkastoo aan dhawr jeer intii garatay u sheegay.
Markii aan eegay waqtigii iyo maskaxdii inaga gashay hawshaa Halxidhaalaha ahayd, waxaaa ay ila noqotay in aan wixii faaiido ahaa ee meesha ka soo baxay aan inoo tiriyo.
Ugu horayn, waxaa curiskaa ka qayb galay ku 170 qof ku dhawaad, 165 waxay ahaayeen Rag, halka 5 ay ahaayeen gabdho; Halkaa waxaa ku jirta cibaaro, waanse u soo noqon ee halkaa ii dhig.
Dhamaantiin waxaan idin siiyay shahaadada geesinimada, waxaad caddayseen in aydaan ahayn dad la carin karo oo si fudud loo odhan karo Car iyo Wir ! , waa caado hore oo wanaagsanayd oo aan Soomaali ku aqaanay.
In badan oo Muska ama gidaarka inaga soo qoolaalidey, iyaga miyaan idhaadaa Fulayo ??
Waxaa si sax uga soo jawaabay 35 qof, halka intii kale ku galgaltay jawaabtii, waxaan aad ugu faraxsanahay inay jiraan qolyo weli ku hal adag inuu ninkaasi khasaaray 40 shillin oo aan sinaba u liicin waayay.
Waxaa kaalintii koowaad ku guulaystay Cabdiqani Cabdillaahi Aadan oo ahaa qofkii ugu horeeyay ee si sax ah uga jawaaba, inta kale ee asxaabta ahayd ee ku jawaabay in khasaarahaasi dhacay ahaa 20 shilling iyakana waa ku war geliyay waana ku hambalyeeyay.
Waa maxay sababta inteeni badnayd aynu jawaabtii saxda ahayd, u heli weynay qacdii horeba ba, jawaabtu waa tan:-
Inteena badan waxaa madaxeena galay oo raad ku yeeshay fekerkeenii, hadaladii meesha ka dhacay; Ninkii kabaha sku qiyaasay, sarrifkii meherada laga waayay, kii yaraa ee hadlay ee sheegay qiimihiii kabaha, odeygii dukaanka kale lahaa ee xanaaqsanaa, hadaladaa iyo dhacdooyinkaa ayaa maankaaga ku wareegayay oo ka dareen iyo xoog batay xisaabtii fududeyd ee aad markii dambe ee laguu caqli celiyay aad fahamtay,kaasina
waa cashar aynu baranay, in qofku xaqiiqda daah/ama sitaar ka xigi karo.
Saacidihii dambe waxaa batay (Sida asxaabta qaar sheegeen) kala eegashada iyo wax is fahamsiinta) sidaa oo ay tahay 20% ayuunbaa helay oo ku adkaystay jawaabtii saxda ahayd oo ah in khasaaruhu ahaa 20 shillin oo kaliya.
Maxay Gabdhaha ka jawaabay Caris kaa u noqdeen wax ka yar 1%, iyada oo asxaabtaydu Rag iyo Dumar aanay wax fiican kala badnayn ?.
Su’aashaa waxaan weydiinayaa Faiza Sheikh Saed Marwo Mudan Mulki Hersi , #Rooda Maxamud, iyo Fadxiya Yusuf Cirro ? maxaad uga duwanaateen gabdhihiii kale ? maxaad uga biqi weydeen in la idin yidhaa Jawaabtaadu waa khalad ? Maxaad isku deygaa furuiridda halxidhaalahaa adag ugu dhiirateen? kolay waxbaa jira aad kaga duwantiin hablo badan.( in qaarkiin gabayda jecel yihiin waan ogahay).
Anigu markii aan eegay tirada aadka u yar, ee gabdhaha ah ee ka qayb qaatay Caris kii waxaa ii soo baxay inuu jiro kala duwanaansho, Ragga iyo Haweenka ee xagga Fekerka, caadifadda iyo baqdinta guuldarada laga baqo, iyo isku dayga waxa kugu cusub ….iwm.
Aragtidaasi waxay ka hor imanaysaa casharo aan beri hore ku qaatay Jaamacadda Hargeysa ( ma ihi Jaamici ) oo ku saabsanaa waxa loo yaqaan GENDER ka, waagaa aan sheegayo, gabadh afka Ingriisiga si baas ugu hadlaysay ayaa kala duwanaanshaha ragga iyo dumarka noogu sheegtay kaliya laba qodob oo ahaa.
1- In aanu Ninku naaskiisa caano ka keeni karin (ilmo jaqsiin karin)
2 -in aanay gabadhu keeni karin sperms ( mani uur lagu yeesho)
waxay tidhi ma jirto wax kale oo ay ku kala duwan yihiiin Labka iyo Dheddigu !
Dood habeenkaa meesha ka dhacdey ayuu mid ardeydii ka mid ahaa yidhi macalin ” markii madaxweyne Obama guriga cad la soo tusayay ee uu doorashada ku guulaystay, maxay Michelle Obama guriga hurdada, Jikada, Fadhiyada iyo qolalka cuntada ee White House -ka u soo daawatay, halka uu Obama xafsiika Madaxweynaha iyo qolka shirarka ugu mashquulay” Macalimaddii arintaa jawaab umay helin habeenkaa..
Haddii aynu maanta Caris keenii yaraa u rogno cilmi badhis, waxaan odhan karaa marka laga hadlayo wax loo yaqaa Gender ka, waxaa jira Qof bani aadam ah, oo sidii Ginigii halxidhaalaha ku jiray, leh laba weji ama laba dhinac oo muuqaal ahaan kala duwan, sawiro kala duwanina ku yaalaan, labadaa weji ee Ginigaasi waxay si wada jir u yihiin 20 shilling oo wax tar leh.
Qofka isku daya inuu labadaa weji ee ginigaa kala jaro waxaa uu khasaariyay Labaantankii shilin (Giniga laftiisii) oo uu qiimo tiray mana suurto gasho in Qofkaa ilaahay abuuray ee labada sawir leh (Rag iyo Dumar) la kala qaybiyo o la iska horkeeno, waa hal qof oo is dhamaystiraya lehna Magaca QOF.
Mahad Oo dhan allaa Iska Leh
Qalinkii: Mustafe Cali Deeq
Hargeysa, Somaliland