Nin baa dukaan soo galay, waxaanu ka iibsadey 2 kabood oo qiimahoodu yahay 8 shillin, markii uu kabihii isku eegay, ee ay si fiican u le’ekaadeen ayuu dhiibay u dhiibay ninkii dukaanka haystay 20 shilling ( Gini lacag ah oo waraaq ah), waxaa uu markaa sugayaa in la siiyo baaqigii u hadhay oo ah 12 shillin.
Dukaanka oo xilli dambe la furay awgii, ayuu ninkii waayay sarifkii 12 shillin ahaa ee uu baaqiga ugu celin lahaa, mid yar oo uu dhalay ninka dukaan-walaha ahi ayuu ku yidhi ” aabo carar oo dukaankan inagu xiga ka soo sarif labaatankan shilin, kii yaraa sidii ayuu yeelay waxaa uu keenay labaatankii oo sarrif ah (qadaadiic ba dhe).
Ninkii kabaha qaatay oo sugaya Baaqigii, ayuu 12 shillin u celiyay, intii kalena (8 shilling) maqalka ayuu ku ritay)
Wax yar, markii uu ninkii kabaha iyo baaqiga qaatay sii maqnaa ayaa waxaa soo galay ninkii dukaanka kale lahaa ee lacagta laga soo sarifay, ku ye’ ” waar maxaad lacagta Foojariga ah iigu soo dhiibtay, inta uu labaatankii ku soo tuuray ayuu yidhi i sii lacag hagaagsan.
Ninkii muranba ma gelin ee inta uu qasnadii weynayd furay ayuu labaatan shillin oo cusub uga soo saaray; waxaanu yidhi ” waar mid tuug ah ayaa ii dhiibay oo kabana iga qaatay iyo weliba baaqi dhan 12 shillin”.
Odeygii dukaanka lahaa oo ka calaacalaya khasaaraha soo gaadhay ayaa yidhi bal eeg adigana 20 cusub ayaan ku siiyay isagiina 12 shillin ayuu qaatay.
kii yaraa ee lacagta soo sarrifay ayaa halkeer ka hadlay, oo yidhi aabo kabihii uu qaatayna waxaa ay ahaayeen 8 shillin.
haddaba inta aad maskaxda yara ciyaarsiiso iyo fekerka, sheeg khasaaraha meesha ka dhacay.
Fiiro.
waxaan xisaab ahayni meesha kuma jiro ha isku daalin afsoomaali la maldahay, keliya waxaad sheegtaa lacagta ninkani khasaaray waa imisa?
Mar kale iyo jawaabta saxda ah .
Mahad Oo dhan allaa Iska Leh
Qalinkii: Mustafe Cali Deeq
Hargeysa, Somaliland