Carabkii Ugu Maalka Badnaa Dalka Ethiopia Oo Sababo Aan Weli Daaha Laga Rogin Ugu Geeriyooday Dalka Ingiriiska

0
36

al-amoudi

London:(Hubaal)-Waxa cisbitaal ku yaalla dalka Ingiriiiska goor hore oo khamiistii ina dhaaftay ahayd ku geeriyooday Mohamed Al-ammoudi oo ahaa ninkii ugu dhaqaalaha badnaa amaba ugu taajirsanaa waddanka Ethiopia, isla markaana ahaa ninka labaad ee qaaradda Afrika ugu dhaqaalaha badnaa, sida ay daabaceen warbaahinta kasoo baxda gudaha waddanka Ethiopia.

Mohamed Al-ammoudi, ayaa dalka ingiriiska u tegay inuu iskaga daaweeyo xanuun uu dareemayey oo aan si rasmi ah loo shaacinin, balse nasiibdarro waxa uu u geeriyooday si kedis ah, isaga oo da’diisu ahayd 70-jir.

Weli ma cadda sababta keentay geerida tijaarkan caanka ahaa, balse meydkiisa ayaa baadhitaanno adag loo diray si loo xaqiijiyo asbaabaha dhimashadiisa keenay.

Mohamed Hussein oo al-ammoudi ka magac dheeraa, ayaa ahaa nin kasoo jeeda waddanka Sucuudiga, isla markaana haysta dhalashada waddanka Ethiopia oo ay hooyadii kasoo jeedday isna uu ku dhashay, waxana hantida uu haystay sanadda 2016-ka ay jariiradda hantiilayaasha adduunka wax ka qortaa ku sheegtay $8.3-bilyan oo dollar, kaas oo ka hooseeyey kii uu sanadkii hore haystay uu gacanta ku hayey, waxana hoos u dhacaas lagu sheegay mid ka dhashay hoos udhicii ku yimi qiimaha shidaalka iyo dahabka adduunka oo ah labada shay ee uu hantiilahani ka gacansan jirey.

Al-ammoudi, ayaa caan ka ahaa guud ahaanba dalka Ethiopia oo uu si weyn u maalgashaday, waxana ay saaxiib dhaw ahaayeen ra’isal wasaarihii geeriyooday ee dalkaa Meles zenawi, kaas oo lagu tilmaamo inuu gacan weyn ka geystay saamaynta uu maanta ku dhex leeyahay qaaradda Afrika.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here