Carruur Oromo Ah Oo Ku Shuf Beeshay Dab Ka Kacay Gurigooda Oo Hooyadood Dusha Kaga Qufushay

0
103

Muuqaallo Argaggax leh oo laga soo qaaday Guriga Gubtay, ayaa muujinaya Meydadka Carruurta oo Maryo la saaray

Hargeysa (Hubaal) – Saddex Carruur ah ayaa ku dhintay Dab ka kacay Gurigooda oo ku yaalla Xaafadda Sheedaha ee Magaalada Hargeysa shalay gelinkii hore. Sidaana waxa Sheegay Taliyaha Ciidammada Dab-damiska Somaliland Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) oo Saxaafadda kula hadlay Goobta Carruurtu ku dhimatay.

Taliyaha Ciidammada Dab-damisku wuxuu sheegay in Saddexda Carruurta ah oo ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada ay Hooyadood dusha kaga Qufushay Guri Sandaqad ah oo ay ku jireen, markaasi ka dibna uu ka kacay dab ka dhashay Showladaha Cuntada lagu Karsado oo Guriga yaallay.

Muuqaallo Argaggax leh oo laga soo qaaday Guriga Gubtay, ayaa muujinaya Meydadka Carruurta oo Maryo la saaray, iyagoo ku hurushoobay Dabka ka kacay Gurigooda.

 

Dabkan ayaa noqonaya kii labaad ee Muddo Toddobaad Gudaheed ah Carruur ku dhimato, waxaana kan ka sii horreeyay Dab ka dhashay Shoodh Laydh, kaasi oo ay ku dhinteen Afar Carruur ah oo Saddex Walaalo ahaayeen, midna ay Ilmaadeer ahaayeen.

Alle Cawad khayr qaba ha ugu beddelo Waalidka Carruurtaa dhalay ee Masiibadu ku dhacday.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here