Ceerigaabo (Hubaal) Afar caruur ah ayaa ku dhimatay in ka badan Boqol iyo Todobaatan qofna waxa la dhigay cusbitaalka kadib markii xanuunka Jadeecadu uu ka dilaacay degaano kamid ah gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax iyo masuuliyiinta caafimaadka ee gobolkaas ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaaladda Ceerigaabo waxay shaaca ka qaadeen in xanuunka jadeecadu uu ka dilaacay degaanada gobolka sanaag islamarkaana waxay sheegeen in ilaa Afar qof oo caruur ah ay u geeriyootay xanuunkaas in ka badan Boqol iyo Todobaatan qofna la dhigay cusbitaalada,Waxaanay masuuliyiintani ugu baaqeen xukuumadda Somaliland inay u soo gurmadaan gobolka islamarkaana waxay hay’addaha caafimaadka ugu baaqeen in gurmad deg-deg ah ay la soo gaadhaan gobolka Sanaag oo xanuunka Jadeecadu ka dilaacday qeybo ka mid ah gobolkaas