Hargaysa (Hubaal)- Waxa Magaalada Hargeysa Laga Furay Carwadii 7-aad ee ganacsiga Somaliland oo sanad walba hal mar lagu soo bandhigo ganacsiyada kala duwan ee Dalka ka jira iyo Horumarka ay ganacsatadu sameeyaan. Carwadan ayaa waxa ganacsatada kala duwan ee dalka, waxana ay halkaasi kusoo bandhigeen Waxyaabaha ay ka ganacsadaan, iyadoo ay macaamiil tiro badanina Halkaas ka heleen agab qiimo jaban lagu iibinayo oo ay baahi u qabeen. Madasha Carwada Somaliland ee sanadkan, ayaa waxa ku Cusbaa oo ganacsigooda kusoo bandhigtay Ganacsato kala duwan oo Dalalka Yaman iyo Turkiga iyo waliba qaar ka socday Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Carwadan oo ay soo qaban-qaabisay Rugta Ganacsiga Somaliland iyo shirkadda AOA, ayaa waxa furitaankeeda ku sugnaa, Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga, Maayarka Caasimadda, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Xildhibaanno iyo Ganacsato kala duwan, waxana halkaas lagu lafo guray sidii ay Ganacsata iyo Macaamiishu u heli lahaayeen Goob ay kulmaan. Ganacsatadii Halkaasi Ganacsigooda kusoo bandhigay, ayaa sheegay in ay Qiimo-dhimis ku sameyeen waxyaabaha ay iibinayaan,si ay u helaan Macaamiil tiro badan, isla-markaana soo gelisa lacago aanay hore ugu heli jirin xarumahooda ay ku ganacsadaan. Ugu Horayn Munaasibadan waxa hadal Kooban oo iskugu jira Soo dhawayn iyo baraarujin ka jeediyay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxamed Shugri, waxaana uu yidhi. “Waxa noo sharaf ah sida wanaagsan ee aad uga soo jawaabteen Fariinta aanu idiin soo dirnay,madashana ugu soo bandhigteen ganacsigiina Kala gadisan.Carwadani Waxa ay carwooyinka kale kaga duwan tahay,Wafti ka Socda Rugta Ganacsiga Puntland,Carwadani waa dallad kulmisay,dhamaan rugaha Ganacsiga ee Africa,iyada oo aynaan ilaabi karin Ganacsatada reer yaman oo Marna aynu u qabano Ganacsi iyaga u Gaar ah.” Intaas waxa uu ku daray Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga somaliland.”Shirkadaha waawayn ee somaliland ayaa sanadkan iyaguna Door Laxaadle ka qaatay,kuna soo bandhigay adeegyada kala gadisan ee ay Bixiyaan,kuwaas oo iyagan ku amaanay siday uga Muuqdeen Carwadan.” Masuuliyiin Ku hadlayay Afka Shirkadaha GSK Group,Shirkada Telesom,Shirkada Dahabshiil iyo Somtel,Shirkada,Shirkada Somcable,Hitech,Asal,Takaful,Toyota ayaa dhamaantood Macaamiishooda ugu bushaareeyay adeegyada ay u hayaan kaas oo ku sifeeyeen mid casri ah oo la jaan qaadaya Dunida Hore u socotay. Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Puntland,masuuliyiin ka Socda Dalka Turkiga iyo yaman ayaa iyaguna Madasha ka hadlay waxa ay bogaadiyeen sida qiimaha badan ee carwadan heerka saraysa loo soo bandhigay,iyaga oo u mahad naqay Sida uu guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Shirkada AOA uga qayb qaateen sidii ay u hir galin lahayd carwadan qiimaha badan ee adeegyada kala gadisan lagu soo bandhigay. Maayarka Caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) ayaa bogaadiyay Ganacsatada Sida heerka Saraysay Madashan uga Soo qayb Galay,waxaana uu ka hadlay sida ganacsatada kor loogu qaadi lahaa. Gaba-Gabadii waxa Halkaasi ka hadlay, Xadhigana ka jaray Carwada Ganacsiga somaliland Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Md Muuse Qaasim, waxana uu hadalkiisa diirrada ku saaray sidii kor loogu qaadi lahaa maalgashiga dalka, “in Markasta carwooyinka la qabtaa waxa ay u wanaagsan tahay ganacsiga,qofkasta waxa uu ku soo bandhigayaa ganacsigiisa isaga oo xor ah,waxaana uu bulshada ugu samaynayaa madashan qiimo jaban oo ka hooseeeya kuwii suuqa,taasina waata carwadan loofuray,isaga oo ku dhiiri galiyay ganacsatada in ay Markasta Ka dadalaan sidii ay u heli lahaayeen Ganacsigana ugu dari lahaayeen,ganacsiga dalka ka soo baxa.”