Carwadii Ganacsiga Ee Hargeysa Ka Socotay Oo La Soo Gabagabeeyay

0
21

Hargeysa(Hubaal)Carwo Ganacsiyeeda oo Mudo lix maal mood ah ka socotay Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa Xalay la soo Gabo Gabeeyey, halkaasi oo intii ay Carwadu socotay ay shirkadihii ka soo qayb galay ay ku soo ban dhigeen wacdaro layaable iyagoo Dadwaynuhu si  is daba joog ah uga iibsanayeen Badeecadaha kala duwan ee  Carwada lagu soo ban dhigay, Waxaana Carwadaasi Qaban Qaabadeeda lahayd Shirkada AOA Events iyo Alekaa international.

carwo ganacsi

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim aw Cumer ayaa Shahaadooyin Gudoonsiiyey Shirkadii sida wayn uga dhex muuqday ee halkaasi ku soo ban dhigay Adeegyada layaabka leh uguna IIbsiga Badnaa, marka loo eego adeegyada ay soo bandhigeen iyo Qiimo dhimista ay u sameeyeen Macaamiisha ka qayb qaadanayey.

 

Shirka Doorka sare ka qaatay Carwada ee uu Wasiirka Wasaarada Ganacsigu Shahaadooyinka Gudoonsiiyey wax ka mid ahaa, Shirkada Al Xaayaad oo adeegyo kala duwan ku soo bandhigay Carwada, waxa kale oo ka mid ahaa, Shirkada weyn ee Meecaad oo iyaduna halkaasi ku soo ban dhigtay Adeegyo kale duwan iyo waliba Qiimo dhimis balaadhan iyo shirkade kale oo aad u tiro badan oo ay ka mid tahay Shirkada Hodan iyo Shirkade

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here