Muqdisho (Hubaal)- Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Caydiid Cabdillaahi Ilka Xanaf, ayaa sheegay in ciidanka Amisom diideen inay ilaaliyaan amniga garsooreyaasha Soomaaliya.
Ilko-xanaf ayaa xusay in ilaalo la’aanta ay keentay in lagu dilo Muqdisho garsoorayaal badan, isagoo intaas ku daray in xarunta ugu weyn ee garsoorku ku shaqeeyo ay ilaaliyaan ciidammo Soomaali ah.
“Garsoorku wuxuu ka mid yahay saddexda hay’adood ee dalka ugu sarreysa, mana ilaaliso AMISOM, markaanu u sheegnay inay xarunta maxkamadaha oo ah halka garsoorku xilligan ku shaqeeyo ay ilaaliyaanna si cad ayay u diideeen,” ayuu yidhi Ilko-xanaf.
Sidoo kale, Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa sheegay in marka u doonayo in uu howl ama shir qabsado uu meelo kale ku qabsado nabadgalyo la’aan awgeed. wuxuuna intaas ku daray inaanu jirin hal garsoore oo ilaalo haysta, taasoo ah midda keentay in dadka howlaha garsoorka ka shaqeeya la laayo.
Mar uu ka hadlayay dacwooyinka la xidhiidha dadka loo haysto inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab ayuu sheegay inay amni la’aan awgeed ay u qaadi waayeen dacwooyinkaas oo kale, balse ay qaaddo maxkamadda ciidamada qalabka sida.
“Amni la’aan ayay maxakmadaha kale ee caadiga ah u qaadi waayeen dacwadaha la xidhiidha Al-shabaabnimada, budhcadbadeednimada iyo siyaasadda, waayo iyagoo aan kuwaas qaadin ayaaba garsoorayaasha la laynayaa hadda, haddii ay qaadan maxaa dhici kara?” ayuu raaciyey hadalkiisa.
Ugu dmbeyn, guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegay AMISOM ay ilaaliso xarumaha labada hay’adood ee kale sida fulinta iyo sharci-dajinta, balse ay diidday inay ilaaliyaan xarunta garsoorku ku shaqeeyo, taasna ay dib u eegis weyn ku sameyn doonaan.