“Ceeb Iyo Cudur Maaha Beddelaadu , Isagaa Wasiirka Magacaaba, Xilkana Ka Qaada, Waa Inaan Madaxweynaha Waxba Laga Sheegin Oo Aan La Odhan

0
46

Milicsiga Weedho Taariikhda Galay Oo Cabdicasiis Samaale Ku Tiraabay Waqtigii Uu Xilka Ka Hayay Xukuumadda

 

 “Axsaabtana Waxaa Loo Samaystay In Qabyaallada Lagaga Xoroobo, Hadaynu Reer Hebel Nahayna Waa Laga Baxay Ee Qabiil Ha Ku Meeraysanin”

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirkii hore ee maalliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa intii uu xukuumadda ka tirsanaa waxaa uu si adag u difaaci jiray hoggaaminta madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa isaga oo weerarka mucaaridka ku tilmaami jiray haddallo meel waayay. Haddaba waxaa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qaar kamid ah hadalladii laga reebay ee keydka sooyaalka u galay sheikh Samaale, isaga oo mucaaridka meel kasta oo ay ku kulmaan fagaarayaasha siyaasadda kala hor tegi jiray difaac adag oo gaashaanka uu udaruuri jiray. Waxaana xusid mudan in uu in badan uu daliil uga dhigi jiray hadalladiisa  mawqifka ay diinta islaamku ka taagan tahay hoggaaminta wanaagsan. Bal aynu soo qaadano hadal duur xul ah oo md. Samale  ku hal qabsaday Wasiirkii hore ee warfaafinta oo waqtigaas ahaa mucaarid. samaale“waa inaan madaxweynaha waxba laga sheegin oo aan la odhan madaxweynuhu dalka ma xukumo, Yaa Xukumada dalka haddii aan madaxweynuhu xukumin?. Isaga ayaa dalka xukuma, isagaa wasiirka magacaaba, xilkana ka qaada, markaa haddii lagu beddelay [Boobe), ceeb maaha beddelaadu ceeb iyo cudur maaha, berri ayuu wasiir kale imanayaa oo xilka intaas oo qof baa isu soo beddelaya, markaa cuqdad in laga qaado maaha” sidaa ayaa uu yidhi Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo  hadal weerar, dhaliil iyo quudhsi isugu jira meel fagaare ah uga jeediyey mucaaridka xukuumadda, isaga  oo si gaar ah u duray wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta Cabdi Yuusuf Ducaale Boobe oo madasha fadhiyey. Waxa ay ahayd badhtamihii bishii December ee kal hore (2014), madashuna waxaa ay ahayd xaflad uu madaxweyne Siilaanyo xadhiga kaga jarayay dhisme cusub oo dallada dhalinyarada ee SONYO dhisatay, taasi oo wejiyo badan ay wanqasheedu kulmisay. Md. Samaale, wasiirkii hore ee maalliyadu isaga oo khudbadii uu madashaas ka jeediyey sii wada waxaa uu intaa ku daray “kelmad xaq ah oo inna kala saarta aynu dadka u sheegno, axsaabtana waxaa loo samaystay in qabyaallada lagaga xoroobo, markaa qabiil ha ku meeraysanin ee dhaaf, waana laga baxay ‘hadaynu reer hebel nahay’, [laakiin dheh] anigu kan baan ahay” ayuu yidhi Md. Samaale. Hadallada kale ee taariikhda galay waxaa kamid ah khudbad uu bishan bisheedii (October 2014) ka jeediyey  xaflad lagu soo bandhigay buug laga qoray Aabihii labaad ee waxbarashada Somaliland Marxuum Yuusuf Xaaji Aadan Qabille, kaas oo lagu qabtay xilligaas xarunta Naadiga wax akhriska ee Maxamed Mooge. Khudbadaas waxaa uu  Wasiir Samaale Oo  ku Amaanay Hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo isaga oo ka difaacay Xukuumadda eedaha ay mucaaridku u jeediyaan.    “Madaxweynaha ma waxaa wax ka sheegaya mid aan la garaneyn waxa uu yahay iyo wax uu dalkan u qabto…Madaxweynuhu waa hoggaamiye wanaagsan oo ummadda xoolaheeda u ilaaliyey, waxna u qabtay oo horumar gaadhsiiyey,” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale. Wasiirka oo ka hadlay is-beddelka miisaaniyadda eek u yimi muddada xukuumadda KULMIYE talada dalka haysay, waxa uu yidhi; “Miisaaniyadda qaranka waxaannu ka soo qaadnay $47 milyan oo doollar oo ay joogtay markii aannu xilka la wareegnay, waxa aannu hadda gaadhsiinay $200 milyan oo doollar.” Waxa kaloo uu tilmaamay in hoggaaminta madaxweyne Siilaanyo tahay mid wanaagsan oo horumar gaadhsiisay dalka Somaliland, isla markaana taariikhdu xusi doonto sida uu ugu shaqeeyey dalka iyo dadkiisaba muddada uu xilka hayey, waxaannu xisbiyada mucaaridka ah kula dardaarmay inay joojiyaan aflagaadada iyo weerarka shaqsi cayga ah oo uu xusay inay caadaysteen, lana shir yimaadaan wixii ay ummadda u qabanayaan haddii talada dalka loo doorto. Wasiirkii Maaliyaddu,   sidoo kale  waxaa uu sheegay in xukuumada uu hoggaamiyo madaxweyne Siilaanyo garab taagan tahey dhallinyarada, waxaannu yidhi; “Waad aragtaan sida wanaagsan ee xukumadeennu u garab taagan tahay u lana shaqeynayso dhallinyarada Somaliland.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here