Beelaha Darafyada Oo Si Gaar Ah Loo Bar-Tilmaameedsaday, Xubno Sababo Aan La Aqoon Looga Qaaday Xilalkii Ay Hayeen Iyo Wasiirradii Beesha Dhexe Oo Aan Far La Saarin
Hargeysa (Hubaal)-Weli waxa dhegaha bulshada kasii guuxaya isku-shaandhayntii habeen hore kasoo baxday aqalka madaxtooyada Somaliland, taas oo uu madaxweynuhu xilka kaga qaaday masuuliyiin hore xukuumadda uga tirsanaa, isla-markaana uu kusoo kordhiyey qaar cusub oo aan hore ugu jirin.
Isku-shaandhayntan oo la filayo inay noqoto tii ugu dambaysay uguna tafta dheerayd ee uu madaxweynuhu sameeyo inta uu xilka hayo, ayaa dhinaca kalena noqotay middii ugu daldaloolooyinka iyo dhaliisha badnayd, waxana taariikhda markii ugu horraysay xilal madaxweyne magacaabo iska diiday ugu yaraan afar masuul oo heer wasiir, sariirro iyo weliba guddoomiye-yaal gobol iskugu jira, kuwaas oo quudhsaday shaqada uu madaxweynuhu u igmaday.
Inkasta oo ujeeddooyin kala duwan loo sameeyey isku-shaandhayntaas, haddana dadka sida gaarka ah u oddorosa siyaasadda ayaa ku tilmaamay mid salka ku haysay dano la xidhiidha dhinaca olelaha xisbiga talada haya ee KULMIYE, isla-markaana loogu sed-bursiiyey deegaanno gaar ah oo la doonayo inay codkooda ugu xoolo gooyaan xisbiga xilligan talada dalka haya ee KULMIYE.
Ceebaha gaarka u ah isku-shaandhaynta
Ceebaha lama ilaawaanka ah ee ay isku-shaandhaayntani leedahay, ayaa noqday kuwo taariikhi ah, waxana marka la eego sida loo qaabeeyey iyo meelaha diiradda lagu saaray, laga dheehan karaa in ujeeedadeedu ka duwanayd arrin olole, isla-markaana loola dan lahaa in xubno loo arkay inaanay nidaamka la jaan-qaadi Karin lagu gawracayey.
Aragtiyaha taageeraya inay isku-shaandhayntaasi salka ku haysay arrin aargoosi, ayaa daliishanaya xilka-qaadista wasiirkii hore ee Khayraadka biyaha Md. Baashe Cali Jaamac oo muddooyinkii ugu dambeeyeyba si weyn uga cabanayey aqalka madaxtooyada, isla-markaana tirsanayey in loo sheegtay hayb, waxana uu toddobaadkii hore saxaafadda u sheegay in khilaafka isaga iyo agaasimihiisa guud u dhexeeya ay qabyaaladi xuddun u noqotay oo aqalka madaxtooyada laftiisu uu arrintaas qayb ka noqday.
Wasiir Baashe, ayaa hoosta ka xarriiqay in wiiilka wasaaaradiisa agaasimaha ka ah oo qoyska madaxweynaha kasoo jeeda khaladaad badan iyo tallaabooyin uu adyad u arkayo ula yimi, ashkatooyin badan oo uu sameeyeyna waxba laga soo qaadi waayey, isaga oo arrintaasna ku tilmaamay mid qabyaalad ah oo muujinaysa inaan dalka loo sinnayn oo cid gaar ahi awoodda badan isla leedahay.
Caydhinta Wasiir Baashe oo ka cabanayey wiil qoyska madaxweynaha kasoo jeeda, ayaa bar madow ku noqotay wareegtadii uu madaxweyne Siilaanyo soo saaray, waxana dadka jecel wada-jirka Somaliland ay caydhinta wasiirkaas oo ay ku lammaan tahay in faraha laga qaaday agaasimihii lagu eedaynayey inuu haybnimo sheeganayey, ayaa daliil u noqotay in mar kale madaxtooyada laga taageerayo haybta iyo qabiilka uu wasiirku sida fiinta uga qaylinayey, waxana arrintaas loo arkaa taariikh madow oo aan weligeed ka go’I doonin dhaxalka madaxweyne Siilaanyo.
Beelaha Darafyada Oo Si Gaar ah Loo Bar-tilmaameedsaday
Waxyaabaha kale ee isku-shaandhayntaas ceebta ku ahaa, ayaa waxa kamid ahaa in si gaar ah loogu badhtil-maameedsaday wasiirro iyo masuuliyiin kasoo jeeda beelaha darafyada, kuwaaas oo dhammaantood xilalkii laga qaaday, isla-markaana aan xataa la-taliyayaal laga dhiganin, kuwaas oo ay kamid ahaayeen Wasiirradii wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Ciyaaraha iyo weliba Khayraadka biyaha, kuwaas dibadda looga saaray xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.
Wasiirradii Beesha Dhexe Oo Aan La Taaban
Waxyaabaha lama ilaawaanka ah ee ay isku-shaandhayntasi kuwanayd, ayaa waxa kamid ahaa inaan gebi ahaanba la taabanin wasiirradi beesha dhexe u dabranaa oo aan wax xilka-qaadis ah iyo beddel midkoona lagu samaynin, waxana dhammaantood loo daayey boosaskii ay joogeen, marka laga tago tiro wasiir-ku-xigeenno ah oo qaarkood beelahoodu wasiirro buuxa heleen.
Taas waxa barbar socday inaan la taabanin wasiirradii kasoo jeeday beesha madaxweyne Siilaanyo oo tiradoodu afar wasiir oo dhammaanba wada muhiim ah tahay, kuwaas oo qaarkood intii uu madaxweynuhu xilka hayey kuraasida ku fadhiyeen.
Xubnaha xilalkoodii quudhsaday
Isku-shaandhayntii habeen hore ayaa waxa ay noqotay mid ay hadhaysay, isla-markaana ay xiisihii ka qaaday quudhsi iyo saluug degdeg ah oo ay markiiba muujiyeen xubno miisaan lahaa oo xilal loo magacaabay, kuwaas laba kamid ahi kasoo jeedaan gobolka Hawd.
Xubnaha xilalkii loo magacaabay iska diiday oo tiradooda lagu sheegay ilaa iyo afar siyaasi, dadka qaarkoodna ilaa shan gaadhsiinayaan, ayaa ciddii isku-shaandhayntaas soo saartay ku eedeeyey inaanay kala tashanin, waxana dadka siyaasadda odorosaa sheegayaan in xilalkii loo magacaabay qaar ka hooseeya loo dhiibay oo wax badani is beddeleen.
Xubno Lama Filaan ahaa oo xilalkii ay hayeen sababo aan la aqoon looga qaaday
Inkasta oo xuuraan ahaa lagu sii hayey inta badan magacyada xubnaha ugu waaweyn isku-shaandhayntii habeen hore, haddana waxa dadka kedis ku noqday in xilalkii laga qaado xubno madaxtooyada xidhiidh wanaagsan la lahaa oo weliba aan caydhintooda laga dhex arkaynin wax olole ah, waxana taasi kamid tahay waxyaabaha la isweydiin karo ee sababay in daqiiqadihii ugu dambeeyey isbeddel lagu sameeyey nashqaddii isku-shaandhayntaas, taas oo keentay in rag badan oo meelo muhiim ah loo waday meelo kale lagu qoro, isla-markaana ay soo baxaan xubno xilalkii loo magacaabay iska diiday.