Hargeyas (Hubaal)- Degelka HUBAAL Media Ayaa dibada soo dhigay Muuqaalka duleed ee qaar kamid ah Buugaagta Manhajka cusub ee Somaliland oo dhawaan ay wasaaradda tacliintu dafirtay jiritaanka Sir ku duugan In la middeeyey labada manhaj ee Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, arrintaas oo lagu daabacay Hubaalmedia.net July 22-keedii ee sanadkan 2014-ka.
Warbixinta Manhajkan oo dibada soo dhigaysay in si qarsoodi ah ay dawladda Somaliland u saxeexday in la mideeyo labada manhaj isla markaana ardayda dugsiyada dhexe loo soo daabaco buugaag ay oogadoodu (Jeldigu) ka marag furayso wixii laysku odhan jiray Soomaaliya.
Warkaas hore oo ay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ka gubatay shaacintiisa isla markaana u deedifeeyeen inuu jiro ayaa ka war wareegay inay bulshada u sheegaan in buugaag kamid ah manhajka waxbarashadu gaar ahaanna kuwada dugsiyada dhexe uu ku jiro wax laaxin ahi, haddii uu jirona uu yahay khaladaad si kama ah u dhacay hase yeeshee waxa sida laga war qabo ay Afar Masuul oo Waxbarashada ka tirsani Aflegaado iyo qadaf kula kaceen bahda HUBAAL Media iyaga oo ka dhigay kuwo cambaaraysan oo ka been sheegaya warka ay baahiyeen iyoadeega ay bulshada u hayaanba.
Sidaas oo ay tahay Hore ayaa Soomaalidu u tidhi Murti caan baxday oo odhanaysa ‘HAddii lagu sheelo waa la is sheegaa, haddii lagu sheegana waa la is sheellaa’, bahda Hubaal Media iyaga oo ka shidaal qaadanaya beeninta ay bahda Waxbarashadu kasoo saareen warka hore isla markaana ku goodiyeen in aanay wax caddayn ah u hayn [cida qortay] waxa aanu halkan idiinku soo bandhigaynaa sawirrada qaar kamid ah Jellaadiga (Cover) buugaagta cusub ee Manhajka ee Somaliland loo soo daabay kuwaas oo qacda hore ee ishu ku dhacdaba la arkayo khaladkii aanu sheegnay inuu ku jiro, kaas oo ah in Sawirkiisa kore uu ka muuqdo khariidadda Dal-weynihii laysku odhan jiray Soomaaliya oo ku dhex shaxaysan qoraalada buuga ku xardhan ee ay kamid tahay Magaca iyo Sawirka Qaranka Somaliland. Kaas oo keli ah maahee waxa kale oo iiyaguna jira khaladaad badan oo ku dhex jira gudaha buuga.
Daba-galka Ay HUBAAL Media ku samaysay Manhajkan kadib markii Wasaaradda Waxbarashadu ay bulshada dhegaha ugu riday inaanu haba yaraatee jiriin khaladaadka aanu sheegnay isla markaana aanu dembiilayaal nahay haddii aanu cadaynteeda keeni weyno, waxa aanu halkan ku shaacinaynaa in xaqiiqada aanu sheegnay aanau haba yaraatee wax laaxin ah lahayn maragna ay u tahay caddaymo uu ka mid yahay Sawirkani.
Geesta kale baadhitaanno iyo u kuur gal aanu ku samaynay sababta ay xukuumaddu u dembabasayso arrinkan waxa aanu ku ogaanay in markii ay HUBAAL soo bandhigtay warkan isla markaana judhii ay beeniyeenba ay ka dembeysiiyeen sixitaanka khaladaadka ku jira buugan, kuwaas oo ay ku dembabasayaan laaxinka gefka ku ah qarannimada ee ka dhex muuqda Buugaagta dugsiyada dhexe ee Dalka.
Baadhitaannada aanu samaynay waxa aanu ku ogaanay ay wasaaradda waxbarashadu Adduun xooggan ku bixisay sixitaanka sawirrada iyo muuqaallada ku jira Buugaagtaas, kuwaas oo Madbacadaha kuu yaalla Dalka, gaar ahaana kuwo caasimadda Hargeysa ka hawl gala oo haddii loo baahdo magacaabi karno ay qandaraasyo ku siisay inay dib u sawirraan jeldiga buugaagtan, kuna soo dhejiyaan astaamo ay ka mid yihiin Khariidada Somaliland oo Keliya, taasna ay Madbacaddu hadda dib u daabacayso cover-ro kale.
Marka taas laga yimado wax iyaduna la qorsheynayaa in buugaagta gudahooda laga dhex saaro qaar ka mid ah sawirrada iyo casharrada Soomaaliweyneysan ee buuga ku duugan, tallaabadaas oo marka ay Madbacaduhu qabyo tiraan hawsha hore ee jeldi ka beddelka guda geli doonaan.
Haddaba waxa aanu shacbiga Somaliland gudo iyo dibedba u sheegaynaa in Warka aanu July 22-dii daabacnay uu caddeyntiidii yahay kan aad akhriyeysaan, sidaas oo ay tahayna ay shacbi ahan ka gar naqaan cidda ciirada isku qarinaysa iyo cidda xaqa ku adintay. Waxaananu shacbiga ka filaynaa inay xaal siiyaan ciddii lagu gefay Xukuumada ama HUBAAL.
Farriinta aanu HUBAAL-ahaan halkan uga dirayno Wasaaradda WAxbarashaduna waxa ay tahay; hore waxaa loo yidhi ‘Ceebtaada oo Kow Ogtahay, Kun lama ogaysiiyo’ sidaas darteed milil dushii lama dhayo ee haddii ay idiinla haboonaatay oo aad eed iyo qadaf nooga dhigteen wax aanaan geyin, maantaba Maxaydun odhan sidii Maxamed Loo yaabye.
Gun iyo gunaanad HUBAAL Waa Qalin iyo Qoraal la hubo, waxaana u astaan ah oo ay ka shidaal qaadanaysaa tuducyada ku jirtay Maansadii Caan baxday ee AHUN Abwaan Gaarriye;
Wallee Been Ma Qaayibo,
Magac Waa Qasaannade,
wallee Qado Ma Dhaafsado,
Wallee Qoonta Mililka Leh
Qaarka Sare Ma Dhay-dhayo.
Fiiro Gaar Ah: WAxa Aanu Akhristayaasha u sheegaynaa inaad la socotaan qaybo kale oo kamid ah Sawirrada iyo buugaagta Laaxinka adagi ku jiro ee la soo daabacay kuwaas oo Hard Copy iyo Soft Copy Labadaba ku hayno.
Allaa Mahad Leh