Hargeysa (Hubaal) Gobolka Sanaag wuxuu caan ku yahay,dhul daaqsineed aad ay xooluhu ugu tarmaan, waa dhul kulansaday Baad iyo Biyo, dadka degaankan ku nool waxay dhaqaalaha ugu badan ka helaan ganacsiga xoolaha nool, dadka deegaankan waxay mudo ahaayeen dad wadaaga kheyraadka kala duwan ee deegaanka.
Nabaddii iyo barwaaqadii waxay isu badashay dagaal sokeeye oo loo maara waayay, dagaalkan ayaa sababay dhimishadii ugu badnayd ee ka dhacda Soomaaliland intii ay ku dhawaaqday gooni isu taaga.
Dagaalada Ceel Afweyn oo ka tirsan gobolka Sanaad waxa ay hadda socdaan muddo 6 sanno ah sida uu BBC-da u sheegay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah salaadiintii ku hawlanayd xal-gaadhista colaadahan.
Maxa hortaagan xalka Colaadan?
Xalinta colaadan u dhaxaysa labada beelood ee isku abtirka ah waxaa isku hawlay xalinteeda xukuumadda Somaliland, odayaasha beelaha dariska ah, culumada diinta iyo xitaa ciidamada, balse in ay xal ka gaadhaan iska dhaafe, qaarkood ayaa naftooda ku waayay.
”Anigu kulan saddex jeer ayaan ka qeyb galay nabadaynta, oo aan beelahaas in ay colaadaasi dhammaato goob joog ka ahayn, xukumadahii kala danbeeyey tii Siilaanyo iyo tan Muuse Biixi, qeybo waawayn oo lixaad leh ayay ka qaateen, haddii aanu dhaqanka nahay, waanu isaga nimid Bari iyo Galbeed, xukumaduna talaabadii ugu danbaysay ee lagu soo gabagabeeyay ee magihii lagu kala qaatay, ee ay goob joog ka ahaayeen Culimada dalku, xaajadaas waxaan lahayn way soo uruurtay waxaan islahayn way dhammaatay, deegaamadii markii aannu marnay si fiican ayaa nabaddii loo qaatay,marwalba waxa dhibaatada keenaya wa inan geerjire ah” sidaa waxa BBC-da u sheegay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.
Waxaa hawlaha dhexdhexaadinta intii lagu jiray ku dhintay meesha taliye ciidan, 2 askari oo booliiska ka mid ah, iyo nin ka mid ah nabadoonadii xal raadiska ahaa.
Markii ay xaalada faraha kasii baxayso, ayuu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay inuu xaalad dagdag ah ku soo rogay deegaanada dagaalku uu ka socdo ee gobolka Sanaag.
”Madaxweynaha Somaliland isaga oo ka duulaya adkaynta nabad galyada,isla markaana muujinaya badqabka muwaadiniinta dalka,wuxu soo saaray xeer madaxweyne oo xaalad degdeg ah lagu soo rogay deegaanada,Garadag,Ceel Af-weyn iyo Ceerigaabo oo ka tirsan gobolka Sanaag,degmooyinkaas oo mudadii u danbaysay ay ku soo noqnoqnayeen dilal u dhaxeeya dadka deegaank, xaaladan oo socon doonta saddex bilood,waxa la faray ciidamada amaanku in ay qaadaan talaabo walba oo lagu joojinayo dilalka” sidaas waxa warsaxaafadeed ku sheegay Maxamuud Warsame Jaamac oo ah Af-hayeenka madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.
Hase yeeshee waxa ay arrintii yeelatay waji siyaasadeed, waxaana kasoo horjeedsaday Golaha Wakiillada Somaliland, kuwaas oo cod ku laalay go’aankii madaxweynaha, taasna ay keentay in go’aankii laga nodo.
Hadda dagaaladii dib ayay usoo laabteen, illo wareedyo ay BBC-du heshayna waxay sheegayaan in dadka maalmahan dhintay ay marayaan illaa 16 qof.
Maxa loo arkaa xalka?
Waa su’aasha cid kasta is weeydiinayso, haddii laga jawaabana dad badan oo deegaankaasi degen ama daneeya ay neef kasoo bixi lahayd.
Sababtoo ah xalka colaadahan waxaa lagu dayay wax kasta oo suurtogal ahaa, tusaale magtii ugu dambeysay ee beelaha lagu kala saaray waxaa la bixiyay wax ka badan kun neef oo geel ah kadib markii la’isu xisaabiyay raggii la kala dilay.
Markii ay taas dhacday kadib, dad badan oo hawsha dhexdhexaadinta ku jiray waxa ay u qaateen in dirirtii dhammaatay, balse markale ayay haddana dib u bilaabatay.
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaan hor dhignay su’aal ahayd waxa uu u malaynayo in uu xalka noqon karo
”Waxaan la wadaagi karaa oo xaqiiqa ah,labada odey dhaqameed ee beelaha dirirtu u dhaxayso ha tagaan goobta hakala dhex galaan iyada oo ciidamada dawladu ay ku dhex jiraan, kadibna qeybaha kale ee Odayaashu goobta ha tagaan si loo maareeyo xaaladan”.
Dagaaladan ayaa keenay barakac iyo xasilooni daro oo ku baahday deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, mana muuqato wax saansaan ah oo kasoo reyn ah.