“Ceel-biyoodka Sallaxley kii diiddanaa baa ugu hor cabbaya, qof aynu cuqdad u qabnaana ma jiro,….”Wasiir Cukuse

0
56

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir(cukuse), ayaa  ka hadlay manfaca  biyood ee laga helay rig-biyood laga hirgeliyey deegaanka Sallaxley ee gobolka M/jeex oo waqtigii dhagax dhiggiisa ay muran iyo dhibaato badani ka dhacday.

CUKUSE

Wasiir Cukuse  oo shalay ka hadlay munaasibad Riiggaas xadhigga lagaga jaray, ayaa sheegay inaan biyaha ceelkaas kasoo baxay laga hor joogsan doonin kuwii diiddanaa xilligii la dhagax dhigayey, isla markaana ay noqon doonaan cidda ugu horraysa ee cabta,    “Ceel-biyoodka Sallaxley kii diiddanaa baa ugu hor cabbaya, qof aynu cuqdad u qabnaana ma jiro, ninka diidanina wuu u baahnaa, laakiin inuu fahmo buu u baahnaa,” ayuu yidhi wasiir Cukuse.

Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir waxa uu sheegay inay umadda iyagu xukuumad u yihiiin, isla markaana u dulqaadanayaan, waxana uu diiday in lasoo qodqodo wixii lasoo dhaafay iyo xurgufihii dhacay, waxana uu yidhi, “Dadka annagaa u dawlad ah oo waanu dulqaadanaynaa, mana jecli qof ka sheekeeya beri baa meeshaas la isku dilay, ciddii dhaawacantay magteedii annagaaba bixinay.”

Riig-biyoodka laga hirgeliyey deegaanka Sallaxley, ayaa biyo macaan keenay, waxana lagaga bixi doonaa harraadkii iyo surmigii deegaamadaas ka jirey, waxana shacabka deegaanku tallaabadaas uga mahadnaqayaan xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here