Chelsea Oo la Gudoonsiiyay Koobkii Horyaalka + Arsenal Oo Muddo 20-Sano Ah Markii Ugu Horaysay Seegtay Champions-ka

0
123

Rikoodho La Dhigay Kulamadii Maanta Ee Premier League-ga & Kooxaha Dhigay

cHESEA-574x381Kooxda Antonio Conte ee Chelsea ayaa si rasmi ah maalintii maanta loo gudoonsiiyay koobka Premier Leaque-ga ee ay xaqa ugu yeesheen in ay heleen dhibcihii ugu badnaa ee xili ciyaareedkan 2016/17 waxayna Blues koobkan ku gudoontay garoonkeeda Stamfrod Bridge oo ay waliba jamaahiirteedu si wayn u soo buux dhaafiyeen. Chelsea ayaa guushan ku gaadhay 5:1 ay shalay ku caraabisay kooxda Sunderland, laakiin waxay guushani u noqotay mid taariikh ah oo gashay buugaagta taariikhda horyaalka heerka kowaad ee England. Marka aan leeyahay horyaalka heerka kowaad kuma koobna intii magaca Premier Leaque-ga la bixiyay balse waa rekoodh ay Chelsea u dhigtay horyaalka Ingiriisku tan iyo markii uu soo bilawday. Chelsea ayaa noqtay kooxdii ugu horaysay ee heerka kowaad ee England ka ciyaarta oo 38 ka kulan ee horyaalka ka soo guulaystay 30 kulan oo ka mid ah. Taariikhda kubbada cagta England ee horyaalka heerka kowaad may soo dhicin in kooxi ay hal xili ciyaareed soo wada guulaysatay 30 kulan oo ka mid ah 38 ka kulan ee uu xili ciyareedka horyaalku ka kooban yahay. Rekoodhkan ayaa u diwaan gashan Antonio Conte iyo kooxdiisa Blues ee haddaba koobka Premier Leaque-ga saree u qaaday waana rekoodh ay adag tahay in si sahlan lagu jabin karo. Conte ayaa muddo sanad ka yar ku badalay kooxdii kaalinta 10 aad ku dhamaysatay xili ciyaareedkii hore wuxuuna ka dhigay kooxda Chmapionska England hadda ah.

Arsenal

Arsenal ayaa kulankii xili ciyaareedkan ugu danbeeyay ee horyaalka premier leaque-ga waxay 3:1 ku garaacday kooxda Everton oo marti ugu ahayd Emirates Stadium, laakiin kaliya waxay guushani ka caawisay in ay si toos ah ugu soo baxdo heerka Groupyada Europa Leaque-ga waxayna seegtay Champions Leaque-ga markii ugu horaysay muddo 20 sanood ah. Laakiin guushii ay Arsenal ka gaadhay Everton ayay rekoodh cusub ugu dhigtay horyaalka Premier Leaque-ga inkasta oo ay rekoodhkan ka jeclaan lahayd in ay Liverpool kaalinta afraad kala baxdo. Waxaana Gunners loo diwaan galiyay rekoodh cusub oo ayna koox hore soo gaadhin.  Arsenal ayaa xili ciyaareedkan 38 kulan oo Premier leaque-ga ah ka soo heshay 75 dhibcood waxayna noqotay kooxdii abid ugu horaysay ee horyaalka Premier Leaque-ga ah oo dhibco 75 dhibcood ah heshay balse kaalinta shanaad kaga dhamaysatay miiska kala saraynta premier Leaque-ga.  Ma jirto koox kaalinta shanaad ee Premier Leaque-ga ku soo dhamaysatay oo abid soo heshay 75 dhibcood, waana rekoodh cusub oo loo diwaan galiyay kooxda Arsene Wenger ee xili ciyaareedkan seegtay afarta kaalmood ee sarre. Haddii uu Arsene Wenger ku sii nagaado shaqada Arsenal waxa uu markii uu horaysay Gunners kala soo muuqan doonaa tartanka dhibta badan ee Europa Leaque-ga oo maalinta khamiista la ciyaaro isla markaana saamayn ku yeesha xaalada ciyaartoy ee kulamada Premier Leaque-ga.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here