Madax-Dhaqameed Badhitaaray Mawqifkii Suldaanka Guud Ee Somaliland Ku Taageeray Heshiiska Wareejinta Dekedda Berbera
“Waxaanu Aaminsanahay In Dekedda Berberi La Mid Tahay Madaarka Hargeysa, Cid Gaar Ahi In Waanu Diiddannahay Wareejinta Dekedda Ay Tidhaahdo Laga Qurux Badan… Haddii Madaarrada Iyo Dekedaha La Kala Yeesho Dee Dawlad Noqon Mayno”
Hargeysa (Hubaal)- Madax Dhaqameedka Ka soo Jeeda Beellaha Dega Koonfurta, Bariga Iyo Badhtamaha Hargaysa ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargaysa waxa ay ku taageereen heshiiska xukuumadda Somaliland ay la gashay Shirkadda DP World ee lagu horumarinayo Dekedda Berbera. Madax Dhaqameedkan oo ay ka mid ahaayeen Chief Caaqil C/risaaq Maxamed Askar, Garaad Mustafe Maxamed Cumar , Chief Caaqil Xasan Badmaax, Caaqil Faysal Axmed Guun, Chief Caaqil Rashiid Faajeer, Oday Cabdi Aw Maxamuud Ismaaciil Laangadhe, Oday Aabi Xujaale, Suldaan Cawil Fiiqle iyo Madax Dhaqameed kale waxaa ay mawqif la mid ah kii suldaanka guud ee beellaha Somaliland dorraad ku taageeray mashruucan. Ugu horeynna waxaa Halkaasi ka hadlay Caaqil C/risaaq Maxamed Askar oo faahfaahiyay ujeeddada ay shirkan jaraa’id u qabteen. “ Shirkan jaraa’id ayaa waxaa aanu u qabannay in aanu ku taageerno Heshiiskii ay dawladda Somaliland la gashay imaaraadka Carabta ee ahayd in dekedda dib u habayn lagu sameeyo la dhiso la hagaajiyo, waxaanu u taageeraynaa, waxaa weeye dekeduhu way tartamayaan, jabuuti waynu ognahoo Dekedeenan mid laba laabkeed ah ayaaa laga dhisay, xamar-na Turki ayaa la wareegay, Dekeddeenu haddaanay Dekedaha Geeska Africa ku yaalla aanay la jaan qaadin de ma shaqeenayso ..” Ayuu Yidhi Caaqil C/risaaq Maxamed Askar. Waxaanu intaa ku daray “ Cid gaar ahi in ay tidhaahdo heshiiska waanu diidannahay iyo in reer ka hadlaa laga qurux badan, horta cid wax diida oo Madaarrada diida annaga ugu horeyney, Reerkayga Halkan fadhiya, dee wixii ka dhacay waa la ogaa,. maanta Madaarkii Hargaysa annagu ma xukunno oo waa Madaar caalami ah, kamana hadalno, immika haddii la wareejiyo annagu raali ayaanu ka nahay, waxaanu aaminsanahay in Dekedduna la mid tahay, Reerka aanu walaalaha nahay waxaanu leenahay haddii Madaarrada iyo Dekedaha la kala yeesho dee Dawlad noqon mayno ..” Ayuu Yidhi Caaqil C/risaaq Maxamed Askar. Geesta kale Caaqil Cabdirisaaq oo xubahan u hadlayay waxaa uu sidoo kale ka hadlay meeqaamkii uu madaxweynaha Jabuuti ku qaabilay madaxweyne Siilaanyo iyo madashii la fadhiisiyey markii la dhaarinayay. “Madaxweynaha Jabuuti Maalintii dhawayd ee la dhaarinayay waa kii casuumay madaxweynaheena, run ahaanna waxaa uu fadhiisiyey meel aanu u qalmin oo Somaliland oo dhan waa tii ka xanaaqday, arrintaas waxan doonayaa inaan maanta ka hadlo, laakiin haddii maalmahaas hore ee ay waxaasi ka dhaceen ka hadli lahaa waxaan dagaal la gali lahaa dawladda Jabuuti, laakiin immika cadhadii baa naga degtay oo laba arrimood baanan maanta madaxweynahaasi ula hadlayn; mid weeyaane waa madaxweyne Soomaaliyeed oo madax ka ah dawladda qudha ee Soomaaliyeed ee caalamku aqoonsan yahay, taas waan ku ixtiraamaynaa, mida labaad dadka dhulkan [Somaliland] degenna waa la xidid, oo inantayadaasna waanu ku ixtiraamaynaa, laakiin waxaanu leennahay madaxweyne ixtiraamkaas aanu ku ixtiraamaynaa noogamay kaa muuqan adiga, sababtoo ah Somaliland iyo maamul-gobolleed in ay meel wada fadhiistaan arrin na qancin weyday annaga ayay noqotay, haddii Jabuuti iyo Somaliland la eegana waa laba meeloood oo kala weyn oo dan badan baa maanta Jabuuti ku qabtaa Somaliland, markaa dee haddii madaxweyne ay Xamarna kuu muuqato, Hargeysina kuu muuqan weydo mushkiladeeda ayay leedahay. Dawladda Somaliland iyadana waxaan leeyahay anigu haddaan madaxweynaha Somaliland ahaan lahaa oo lagu igu casuumo, anigu maan fadhiisteen halkaas ee waan iskaga iman lahaa” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Caaqilku. Waxaa isna Halkaasi ka hadlay Garaad Mustafe Maxamed Cumar waxaanu sheegay in ay madaxweynaha ku taageersanyihiin Heshiiskaasi “Madaxweynah aynu doorannay hadii aanu heshiisba gali Karin dee in aynu nidhaahno waa Madaxweyne waa laga wanaagsanyahay.” Ayuu Yidhi Garaad Mustafe Maxamed Cumar. Waxaa Iyaguna Halkaasi Ka Hadlay Caaqil Rashiid Faajeer iyo Caaqil Faysal Axmed Guun waxaanay si isku mid ah u taageereen Heshiiska Xukuumadda ay la gashay Shirkadda DP World ee lagu horumarinayo Dekedda Berbera. Oday Cabdi Laandhgadhe iyo Caaqil Xasan Badmaax oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay taageersanyihiin Heshiiskaasi, maadaama uu yahay ba yidhaahdeen Heshiis Horumar Horseedayaa. Suldaan Cawil Fiiqle oo ugu danbeentii Halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay xukuumadda ka filayeen Mashaariic Horumarineed, immikana ay Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisaba ay ku taageersanyihiin Heshiiskaasi lagu horumarinayo Dekedda Berbera.