“Cidda Doodaysaa Maaha Xisbiyo Waa Musharaxiin, Labada Faras Ee La Isu Faaninayo Ayay Tahay Inay Doodo Dhawr Ah Wada Galaan”

0
244

Cali Gurey oo ka hadlay doodii ay madasha wadatashigu qabatay 

 

Marka horeba hadii ay dood tahay kuma fiicna sedex dhinac waxay ku haboon tahay marba laba dhinac. Cidda doodaysaa maaha xisbiyo waa musharaxiin Madaxwayne. Labada faras ee la isu faaninayo ee laga yaabo in midkood uu noqon doono Madaxwaynaha soo socda ayay tahay inay doodo dhawr ah wada galaan. Laakiin cidda Moderator-ka noqonaysaa maaha dhexnimada uun waxa looga baahan yahay ee waa xirfad gaar ah oo la xidhiidha mawduuca Communication (Managemant by facilitation) maaha in qof kastaaba noqon karo Moderator waxa noqda Communication Experts ama ugu yaraan qof wax ka yaqaan xirfadaha gaarka ah ee doodaha loo daadihiyo. Waana inu yahay qof baadhis soo sameeyay ama haya baadhis la sameeyay arimaha laga doodayo. Waraysiga( interview) iyo dood (debate) waa laba wax oo aad u kala duwan laakiin ssuxufiyiinteena dhalinta yar aan u kala soocnayn oo xataa waraysiyada khaaska ah markay qaadayaan ayaad ka garanaysaa. Markaa dood sedex dhinac ah waxa ka fiican Musharax kastaa inu labada musharax ee kaleba soo maraa uu la doodaa. In kasta oo Faysal uu isagu ka reebay xisbigiisu inu tartamo isaguna aan cid ka shegaysanayaa jirin hadalo qurux badan marka la og yahay inu laba goor oo hore taetamay maantana aanu ahayn musharixii xisbigiisa loogu codayn lagaa hadana inu iska hadhadlo dad baa xiisayn lahaa

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here