Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Sharraxay Cidda Leh Awoodda Ilaalinta Xuquuqal Insaanka
Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha maxkamadda saree e Somaliland Md. Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ka hadlay xuska maalinta xuquuqal insaanka oo maalintii shalay ku beegnayd, waxana uu faahfaahiyey cidda awoodda u leh inay xuquuqaha difaacaan ama ilaaliyaan.
Guddoomiye Aadan waxa uu sheegay in qaranku kaw ka yahay bixinta, iyo ilaalinta xuquuqda uu qofkastaaba xaqa u leeyahay, isaga oo arrimahaas sharraxayana waxa uu yidhi,“waxan doonayaa inaan is dul taaggo cidda xuquuq difaacda iyo cidda laga filayo, waxa kaw ka ah hay’adaha qaranka oo xuquuqda waxna difaaca, waxna bixiya, waxna ilaaliya, inaguna difaaca ayuun baynu inta badan eegnaaye, in xuquuqaha la bixiyaa ka horraysa oo qarankaa bixiya inuu qofku shaqo helo, biyo helo oo waxbarasho helo, marka ay difaac noqotana cidda koowaad ee laga filayaa waa hay’adaha distooriga ah ee qaranka oo marka xaqaaqa lagu xad-gudbo ee gurigaaga la baadho ee hantidaadii la qaato waxa kuu difaacay oo soo bilaabaya booliska ilaa laga soo gaadhayo maxkamadii.”
Prof. Aadan Xaaji Cali Waxa uu si weyn ugu mahadnaqay hay’adaha xuquuqal insaanka ee dalka, waxana uu tilmaamay inay wada-shaqayn hufan wada leeyihiin oo xidhiidhkoodu aad u wanaagsan yahay, isaga oo mahadnaq weyn u jeediyey cidkasta oo ilaalinta xuquuqal insaarka ku hawllan.
Waxa ka hadlay musuqmaasuqa iyo wax isdaba-marinta dadka qaarkii lagu eedeeyo, waxana uu xusay inay bahda garsoorku dagaal cad kula jirto, isla-markaana qof kasta oo muwaadin ah looga fadhiyo sidii hujuum wada jir ah loogu qaadi lahaa musuqa oo horumarka iyo caddaaladdaba caqabad weyn ku ah.
Aadan Xaaji Cali Axmed oo muddo kooban joogay maxkamadda sare ee dalka, ayaa si weyn loo mahadiyaa waxqabadkiisa, waxana dadka intiisa badani sheegaan inuu kor u qaaday milgihii iyo sharaftii uu garsoorku lahaa, maadaama ay aad u yaraatay cabashadii iyo kalsooni-darradii dadku ku qabeen hay’adaha caddaaladda.