Cidna La Ga Yeeli Maayo In Ay Qarankan U Muuq Ekaysiiso Afgaanistaan, Ciraaq, Liibiya, Suuriya Iyo Soomaaliya!!!

0
151

Isla markii ay Taliban la wareegtay maamulka Afgaanistan 1996 – waxa ay hawl ka bilowday in timaha dhallinyarada la ga xiiro. Waxa ay ku xigsiisay maryaha la xidhanayo dabadeedna gowrac. Sidaa si la mid ah ayey ISIS ka yeeshay Mosul markii ay qabsatay. Libya iyo Suuriya iyana timaha ayaa la ga bilaabay 2014 iyo 2015. Muqdisho 2006 timaha ayaa la ga bilaabay dhammaantoodna gowracaa xigay! Adduunyadu marka ay maqasho halkaa timo xiiris ayaa ka socota waxa ku xiga na waa la sii maleeyaa – waayo waa dhaqan la yaqaan ujeeddadiisa. Boko Haram iyana 2015 ayey bilowday timo xiiris bil ka dibna Af-duub dumar ayaa ku xigay. Mali ururrada xagjirka ah ee Mujao, AQIM & IMA ayaa 2012 timo jarayaal ka noqday Waqooyiga dalka Mali. Dhammaan dalalkan waxa ka bilaabmay timo xiiris waxa aaney ku danbeysay in qoorta la isku dheereeyo iyo dawladnimo burbur. Dhankeenna, marka hore waxa aan aad u soo dhaweynayaa in ciidanka bileysku fahmeen in aaney shaqadooda iyo dhaqankooda toona ahayn in muwaadiniinta la gu tacaddiyo oo caruur yaryar suuqa dhexdiisa la gu ciilo iyaga oo dalkoodii jooga, bilaa shaqo ah, adeeg caafimaad la’ oo waxbarasho iyo daryeel qarannimo oo wanaagsan sugaya oo samraya. Laakiin taa beddelkeeda ay shaqadoodu tahay in nabadda la sugo, xorriyaadka la ilaaliyo oo sharafka muwaadinku ilaa heer uu dhawrsanaado. Dhammaan 63 waddan ee maanta adduunyada qalalaasuhu ka jiro ee nabad-galyadoodu aaney xasilneyn waxa u sabab ah dhallinyaro la jihayn waayey oo shaqo la’aan iyo mustaqbal madow badani ka hor yimi oo ku kacay dawladahoodii aakhirkiina in ka badan 34 dawladood dhulka dhigay. Halka ay 29 dawladood oo kale ay firigfirigta hayaan ee ay la tacaalayaan daadadkaa waaweyn ee dhaqaale xumadu keentay.Dhallinyarada Somaliland oo dhammaan duruufahaa dalalka kale la qaba oo weliba iyagu siyaado haysta, aqoonsi la’aan na u dheer tahay ee weliba sidaa ku oggol dalkooda – ilaaliya nabad-galyadiisa, jecel iyaga oo kun duruufood ku dhex haystaan in ay u samraan – cidda carsho carshayneysa ee qoryaha afka ka galineysa saw ciddii aan ogaa ma aha. Saw fawda iyo nabad-galyo darro in ay dhacdo la ma rabo oo sidaa loo ma arko in la ga ga faa’idaysto xukun helis! Saw inta san oo dhan la gu ma caaroodo oo wax kale u ma cadda.  Qolooyinkaa caalwaaga ah ee nolosha karaahiyada u arka, ee dhaqan suuliyey dalkan iyo dadkan – ee suugaantii iyo afkoodii hodanka ahaa habeen iyo dharaar la dagaallamaya – ee raba in ay dadkan Carabeeyaan – ee heesihii nasteexada ahaa quluubta umadda kala dagaallamay – ee in xun in ay maqlaan ma ogiye in san iyo naxariis loo diiday – waxa aan u sheegaynaa in Somaliland ay tahay dal dimuqraadi ah oo muwaadinku in uu sharfanaado u taagan. Walaalayaal Alle naxariista iyo jacaylka nolosha qalbigiina ha galiyo. Culimada inta yar ee khayrka qabta iyana waxa aan leeyahay walaalayaal kun iyo soddan siyood oo quluubta dhallinyarada la gu hanto ayaa jirta. Wanaagga iyo waxa san na aadanaha la gu fahamsiiyo – qolooyinka diinta u arka in ay tahay jujuub iyo handadaad la gu xad-gudbayo xorriyaadka muwaadiniinta, adduunyada iyo maalka jecel ee kelidood Islaamka ah marnaba fekerkooda dahaadhan ee shisheeye kalkaalka ahi dalkan ka shaqayn maayo. Dalkan boqollaal kun oo qof ayaa u soo dhintay, hanti badan ayaa loo waayey, mustaqbal jiilal ayaa ku le’day – waxa intaa soo saxariir ahi u dhaceen na waa in xorriyad taam ah shacabkani ku noolaado. Cidda taa diidan ee rabta in afkaarta shacabka la cabudhiyo, caruuraha halkii wax loo ga sheegi lahaa suuqyada la baacsado oo la bahdilo la ga yeeli maayo dalkan na loo ekaysiin maayo Afgaanistaan, Ciraaq, Liibiya, Suuriya iyo Soomaaliya. Dadkiisii oo xay ah ayaa ilaashanaya – suuro-galna ma aha in cadow la gu soo hoggaamiyo oo Faluuja iyo Qandahaarta Geeska Afrika la ga dhigo. Somaliland dadkeeda 100% Islaamka ahi waa ay sharfanaanayaan, nabad ahaanayaan oo ay horumar hiigsanayaan – qayrkoodna waa ay la tartamayaan. Wixii dhaqan xumo ahna si xilkasnimo iyo dawladnimo ku jirto ayaa la isaga qabanayaa iyada oo xeerarka iyo shuruucda dalka u taal ee bulshadu ku heshiiska tahay (dastuurka) la raacayo.

Mohamed Hagi mohamoud

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here