Sicily (Hubaal)-Ciidamada Ilaalada Xeebaha waddanka Talyaaniga, ayaa Badbaadiyey in kabadan Kun kamid ahaa Muhaajiriinta doonaysay inay Qaaradda Europe si sharcidarro ah ku galaan.
doontaydaBadbaadada dadkan ayaa la sheegayaa inay dhacday 24-saacadood ee ugu dambeeyey, waxana dadkani kusoo beegmeen Maalmaha lagu jiro Ciidda dadka Cristan-ka ah oo Caalamka looga Feestaynayo.
5 qof ee muhaajiriintan sharci darada ah ayaa ku geeriyooday intii ay ku gudo jireen safar dheer oo ay doonayeen in ay kaga gudbaan Afrika iyaga oo safar khatar badan u gelayey sidii ay ku gaadhi lahaayeen qaaradda Yurub.
Masuuliyiinta Talyaaniga ayaa sheegay in ay badbaadiyeen muhaajiriin tiradoodu gaadheysay 1,026 qof xilli lagu gudo jiray dhowr hawlgal oo ciidamada ilaalada xeebaha ee Talyaaniga ka fuliyeen nawaaxiga gacanka Sicily intii lagu gudo jiray 24 kii saacadood ee la soo dhaafay.
Mid ka mid ah dadka geeriyooday ayaa waxaa soo qaaday markab dagaal ka dib markii markab ganacsi uu ku wareejiyey, halka afarta kale lagu wareejiyey doon ay lahaayeen ciidanka ilaalada xeebaha ee Orione.
Xili sii horeysay oo bishan ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR ayaa qiyaastay in 3,419 oo muhaajiriin ah ay geeriyoodeen iyaga oo doonaya in ay ka talaabaan badda Mediterranean si ay u galaan qaarada Yurub, iyada oo taasi ay badda mediterraneanka ka dhigtay mid ka mid ah marin badeedyada ugu khatarsan dunida.
In badan oo ka mid ah waxay ka tageen Liibiya iyaga oo ku sii jeeday Talyaaniga iyo Malta , laakiin waxaa ku soo baxay duruufo aad u adag oo ay kala kulmeen safaradii ay galeen kuwaas oo ugu danbeyntii keenay in ay geeriyoodaan.
Himilomedia