Ciidamada Booliska Gobolka AWDAL Oo Xabsiga U Taxaabay Guddoomiye Ku Xigeenkii Hore Ee Degmada Boorama+Sababta

0
22

Boorama

Hargeysa(Hubaal) -Wararka naga soo gaadhaya magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal soona gaadhaya shabakada wararka Ramaasnews ayaa sheegaya in ciidamada booliska gobolka Awdal ay maanta xabsiga u taxaabeen gudoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Borama Maxamed Muxumed Faarax “Dheerayste” hadana kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka degmada Borama.

Wararkan nasoo gaadhaya ayaa sheegay in sababta loo xidhay gudoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Borama Maxamed Muxumed Faarax “Dheerayste” ay tahay kadib markii ay isaga iyo xildhibaano kale oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Borama ay shalay ka hadleen is rasaasayntii dhawaan dhex martay ciidamada booliska Somaliland iyo ciidamada Liyuu Booliska ee dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ,iyaga oo eedaymo kulul usoo jeediyey maamulka gobolka Awdal iyo taliyaha qaybta booliska gobolka Awdal oo ay ku eedeeyeen inay deegaanka Garba-haadley ee iska hor imaadku ku dhex maray labada ciidan ay masuuliyiintani ka hagradeen baahiyihii asaasiga ahaa ee ay u baahnayd, iyaga oo sidoo kalena ku eedeeyey inay ka gaabiyeen in deegaankaasi iyo nawaaxigeeda ay geeyaan ciidamada kala duwan eeSomaliland si ay u sugaan amaanka shacabka deegaankaasi ku dhaqan.

Sidoo kalena masuulkan la xidhay ayaa waxa uu isaguka dhawaajiyey ereyo lidi ku ah qaranimada iyo jiritaanka Jamhuuriyada somaliland,isaga oo ku goodiyey in deegaanka ay hoos geyn doonaan dawlad deegaanka somalida Itoobiya.

Ciidamada kala duwan ee qaranka somaliland ayaa iyadu heegan ugu jira markaste sidii ay u ilaalin lahaayeen jiritaanka Somaliland iyo waliba sidii ay talaabo uga qaadi lahaayeen cid kaste oo ka hor timaada qaranimada iyo jiritaanka jamhuuriyadda somaliland.

Xigasho: ramaas

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here