Hargeysa (Hubaal)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa Subaxnimadii Shalay waxa ay gacanta ku dhigeen isla markaana xabsiga u taxabeen Imaamka tukiya Masaajidka Anilayn Sheekh Axmed Muxumed Axmed, iyaga oo ka soo qabtay Guriga uu degan yahay oo ku yaala Xaafada Axmed Gurey ee Degmada Axmed Dhagax, waxaana sidoo kale Ciidamada RRU-du Guri aan ka fogeyn Guri Imaamkan ka qabteen Nin Dhalinyaro ah oo ay walaalo yihiin Imaankan, halka ay sidoo kalena Meherad Suuqa ku taalana ay ka qabteen isna Nin Dhalinyaro ah oo ay Ilamadeer yihiin Imaamkan.
Cali Raage oo isagu ah Odayga leh Guriga uu degan yahay Sheekh Axmed Muxumed Axmed, oo isagu goob joog ahaa markii uu falkani dhacaayey oo aanu wareysi la yeelanay ayaa yidhi “Subaxnimadii hore ee Saaka (Shalay), ayaa Albaabka la igu soo garaacay, waan ka furay, mise waa Ciidamo afka ka xidhan, Qolkayga ayey soo galeen,wey baadheen, waxna wey ka waayeen, waxa ay igu yidhaahdeen ha ka soo bixin Qolkaaga, kadibna Qolalka kale ee Guriga ayey u gudbeen, waxayna soo qabteen Sheekh Axmed, si deg deg ahna wey u baxeen, waxa kale oo ay isna Guri kale oo noo dhaw ka qabteen Sheekh Walaalkii”.
Sidoo kale Guriga hawlgalku ka dhacay ayaanu ku aragnay Caruurtii yar yarayd ee uu Dhalay Sheekhu iyo Dumarkii Guriga joogay oo argagax iyo cabsi aad u badani ka muuqato. Dhanka kale markii uu Hawgalkani dhacaayey oo ku beegnayd Lixdii ilaa Todobadii Subaxnimo ee Shalay, ayaa Ciidamada RRU-du, waxa ay bandoo saareen laga soo bilaabo Garoonka Hargeysa Stadium ilaa Xaafadaha u dhaw Biriishka weyn ee Hargeysa, oo ay ku yaalaan Labadan Guri ee laga qabtay Imaamka Masaajidka Anilayn iyo Walaalkii, waxayna Ciidamada RRU-du joojinayeen oo Guriyaha ku celinayeen dadka ka soo baxayey Guriyahooda ee u shaqo tagayey.