Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Cabdimaalik Muuse Coldoon + Sababta Xadhigiisa Lala Xidhiidhiyay

0
37

Ciidamada Booliska Garoonka diyaradaha Hargaysa ayaa xabsiga utaxaabay Gudoomiyaha shabakada Kaalmee kuwan Cabdimalik Muuse Coldoon oo kasoo laabtay Safar taageero ah oo uu dalka Somaliya ugu tagay Madaxweynaha Hada la doortay ee dawlada Xamar Maxamed Cabdillahi Farmaajo,

Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa ah nin ka shaqeeya arimaha  kaalmeynta dadka tabaalaysan hase yeeshe waxa jirta Muxubo iyo Kalgacayl naftiisa ku baahay oo la xidhiidha Somali weyn iyo u ololeynta Midnimada wixii laysku odhan jiray Somaliya , Waxaanu safarkan uu hada kasoo laabtay uu Magaalada muqdisho utagay sidii uu utaageerim lahaa Musharaxa madaxd=tinimada dalkaas ku guulaystay ee Farmaajo waxaana baraha Bulshada ee layska arko laga arkaayay isaga oo qiiraysan oo taageero somalinimo umuujinaya Doorashadii ak dhacday Xamar iyo hadalo uu ku hadlaayay oo ka dhan ahaa Qaranimada gooni isutaaga Somaliland.

Ciidamada Booliska ayaa Cabdimaalik Muuse Coldoon la sheegayn inay garoonka diyaaradaha Cigaal ee Hargaysa ka qabteen mar uu maanta kasoo dagaayay iyada oo waaran maxkamadeed garoonka yaalay lagu xidhay kaas loona gudbiyay Xabsiga weyn ee hargaysa.

Ilaa hada Xadhiga Cabdimaalik Muuse Coldoon wax wara xukumada iyo haayadaha amaanku kamay soo saarin hase yeeshee waxa la sheegayaa in xadhigiisu La xidhiidho olole uu Muqdisho ka samaayay oo la xidhiidha Doorashadii Madaxweynaha Xamar iyo banaan baxyo uu sameeyay oo ka dhan ah Qaranimada Somaliland

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaaladiisii Taageerada ahaa iyo Muuqaalkaloo ka turjumaaya maanta markii la xidhaayay




A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here