Hargeysa (Hubaal) Warar hada naga soo gaadhaya degmada gaashamo ayaa sheegaya in ciidamo iskugu jira Kuwa Federaalka Dawlada Itoobiya iyo ciidamada Liyuu booliska ay xasuuq ba’an u gaysteen in kabada 40 qof oo degena tuulada jaamac Dubad oo dhanka bari ka xigta magaalada gaashaamo.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadani ay weerar kusoo qadeen dadka degen deegaankaasi iyaga oo sida la sheegay goobtaasi ku xasuuqay dad lagu qiyaasay 40 qof kuwaasi oo iskugu jiray rag, dumar iyo waliiba caruur yar yar.
Wararka aan helayno ayaa intaa ku daray in ciidamadu ay intaas kadib ay dab sudheen guryihii ay daganayeen dadkaasi.
lama garanyo sababta ciidamada dawlada itoobiya u xasuuqeen dadkan maatida ah, waxaana ilaa hada ay xaalada deegaanku tahay mid kacsan.