Hargeysa(Hubaal) -Ciidamada Qaranka Somaliland ee jiida hore ayaa goor dhawayd si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta Magaalada Taleex oo uu Shir uga socday kooxo nabad diid ah oo taageera Maleeshiyada Khaatumo.
Warar hor dhac ah oo hada naga soo gaadhaya magaalada Taleex ayaa sheegaya in aan ciidamada Somaliland wax iska caabin ah aanay kala kulmin Maleeshiyadka nabad diidka ah ee halkaasi ku sugnaa,waxaana ay wararku tibaaxayaan in markii ay ciidamada Somaliland ay ku soo jihaysnaayeen Magaalada Taleex ay ka huleeleen Magaaladaasi Kooxaha Nabad diidka ah e halkaasi ku sugan.
Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in Odayaasha iyo wax garadka ka soo jeeda Magaalada Taleex ee halkaasi ku sugnaa ay Ciidanka Somaliland ka cod sadeen in aanay gudaha u soo galin Magaalada oo ay ciidamadu ay dagaan hareeraha Magaalada Taleex.