Hargeysa(Hubaal) -Waxaa goor dhawayd Ciidamada RRU-du ay la wareegeen xarunta Xawaalada JUPA Express ay ku leedahay Magaalada Hargeysa.
Sida ay hada noogu soo waramayaan dad goob joogayaal ah oo ku sugan agagaarka xarunta ayaa noo sheegay in Ciidamada RRU-du ay la wareegeen gacan ku haynta Xawaaladasi oo ciidamo aad u fara badana lagu daadiyey Xarunta horteeda, isla mar ahaan tana aan loo ogalayn wax cida oo ka soo ag dhawaata ,waxana ay sida oo kale ay intaa ku darayaan in qaar ka mida Ciidamda RRU-du ay gudaha u galeen Xawaalada.
Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in dhamaanba wadooyinka soo gala xawalada ay Xidheen iyo sida oo kale meheradaha ka agdhaw Xawaalada.
Ilaa hada lama garanaayo u jeedada rasmiga ah ee ay Ciidamada RRU-DU ula wareegeen gacan ku haynta Xawaaladaasi