Sool(Hubaal):-wararka naga soo gadhay gobalka sool ayaa sheegay in ciidamada qaranka somaliland ay mar dhaweed galeen deeganka saax-dheer halkaasi oo uu ku sugnaa cali khaliif galaydh kaas oo ay ciidamadu ay rabeen in gacanta ku soo dhigan.
Warka ayaa intaas ku daraya in cali khaliif galaydh uu olale uu ka waday Degaanka Saax-dheer oo 90Km Magaaladda Laascaanood ka xigta Koonfur Galbeed
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Cali Khaliif Galaydh uu Saax-dheer u joogay sidii uu uga heli lahaa Ergooyin ka qayb gala Shir Kooxda Khaatumo ku yeelanayso degaannada Taleex.
Masuul sare oo Ciidanka Somaliland u hadlay kaas oo Idaacadda BBC-da la hadlay ayaa tilmaamay in ay halkaasi ay ka baacsadeen Cali Khaliif Galaydh iyo Koox uu watay oo uu sheegay inuu halkaasi ka waday arimo isku dir iyo isku horimad ah oo uu dhex dhigo dadka deegankasi degan.
Dhinaca kale Wararka laga helayo deeganadaasi ayaa sheegaya in Is-rasaasayni dhex martay Ciidanka Somaliland iyo Kooxda uu watay Cali Khaliif Galaydh.
Wax khasaare ah oo ka dhashay iska hor imaadkaas lama sheegin Galintaanka ay ciidmada qaranka somaliland ay galeen deeganka Saax-dheer ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan laba beelood oo wada dega Deegaanaddaasi uu ka dhacay dil kaasi ka dhacay Degmada Maygaagle.