Suldaan Maxamed Muuse Cune Waxa Uu Laba Maalmood Ka Hor Dhaleeceeyey Hab dhaqanka iyo Shaqada Wasiir Waran-cadde
Burco:(Hubaal)-Ciidammada Booliska ee gobolka Togdheer ayaa Maalin-nimadiii shalay xabsiga u taxaabay Suldaan Maxamed Muuse Cune oo kamid ah salaadiinta ugu caansan gobolkaas, iyadoo aan wali faahfaahin laga bixin sababta keentay xadhigga suldaanka. Suldaanka la xidhay, ayaa laba maalmood ka hor ku dheeraaday dhaliil uu dusha ka saaray wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, isagoo jawaab ka Bixinayey Hanjaado uu u jeediyey Axsaabta Mucaaridka ah. Suldaanka ayaa waqtigan la sheegayaa inuu ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee magaalada Burco,iyada oo loo aanaynaayo xadhiga suldaan inuu ka dambeeyo wasiir Waran-cadde oo si weyn u dhibsaday Hadalkii hore suldaanka uga soo yeedhay. Xadhigga Suldaanka, ayaa waxa warbaahinta u xaqiijiyey qaar kamid ah Ehelladiisa, waxana intaas ku dareen inaanay garanaynin sababta keentay xadhiigiisa, isla-markaana ay ciidanka Boolisku sheegeen in xagga sare laga armay taxaabistiisa. Xukuumadda iyo Ciidamada Booliska ee Suldaanka Xidhay, ayaan midkoodna wali wax Jawaab ah ka Bixinin Xadhiga Suldaaanka, waxana Gobolka Togdheer ka socda isku dayo la doonayo in xorriyadiisa dib loogu soo celiyo oo ay wadaan Salaadiin iyo waxgarad Gobolkaas kasoo jeedaa.