Ciidammada Ammaanka Oo Taxaabay Suldaanka Cusub Ee Bariga Hargeysa Iyo Xadhigiisa Oo La Weriyey In Wasiir Daakhiligu Amray

0
50

Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Ijaasadda Dhaqanka Siiyey Suldaanka Cusub ee Beesha Bariga Hargeysa Iyo Caleemo-saarkiisa Oo Ladh Ku Kiciyey Madax-dhaqameed Ay Isku Jufo Yihiinsuldaanka isaxaaqa

Hargeysa (Hubaal)- Ciidammada ammaanka ayaa shalay xabsiga u taxaabay Suldaan cusub oo ay beesha bariga Hargeysa (Isaxaaq) caleemo saartay Suldaan Cabdiraxiim Saxardiid Kaahin. Xadhiga suldaankan ayaa yimi saacado kadib markii laga soo dareeray munaasibad ilyartu is qabatay oo lagu shaaciyey caleemo saarkiisa, taas oo ay goob joog ka ahaayeen madax dhaqameed kala duwan iyo marti sharaf kale.

Suldaankan Cusub oo uu Ijaasada Siiyey isla markaana uu ku caano qubay Suldaanka guud ee beelaha Somaliland suldaan Maxamed suldaan Ca bdiqaadir Suldaan Cabdillaahi ayaa xadhigiisa la weriyey in uu amray wasiirka daakhiliga Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo laf ahaantiisu kasoo jeeda beesha caleemo saartay suldaankan.

Lama garanayo asbaabta rasmiga ah ee loo cuskaday xadhiga suldaankan hase ahaatee warar lagu kalsoon yahay oo la xidhiidha qaddiyada caleemo saarka suldaan Cabdiraxiim Saxardiid ayaa la weriyey in ay ka dambeeyeen qaar kamid ah madax dhaqameedka beesha bariga Hargeysa oo warku tibaaxay in ay qoonsadeen maamuuska suldaankan kaasi oo caleemo saarkiisa ku dhereriyey mid la qaybsanaya awooddii iyo taageeradii beeshooda.

 Jawigii Caleemo saarka Suldaanka iyo Isku day-yadii Xadhigiisa lagu qorsheeyey

Wararka la xidhiidha xadhiga suldaan Cabdiraxiim Saxaridiid Kaahin ayaa sheegaya in waqtigii lagu fooganaa xafladda caleemosaarka suldaanka iyo fooladayntiisa ay xukuumaddu isku dayday in ay baajiso iyadoo dhawr jeer madasha xafladdu ka dhacaysay oo ahayd hotel-ka Dalxiis ay ku gaaf wareegeen baadhasaabka gobolka Hargeysa Mr. Jeeni yare oo wata baabuur ay ciidammo saaran yihiin kuwaas oo qorshoodu ahaa inay baajiyaan xafladda balse ay u suurto geli wayday.

Saska iyo dareenka taban ee Xukuumadu ka qaaday Caleemasaarka Suldaanka ayaa loo aanaynayaa kadib markii ay Xukuumadu aragtay Shacbiyada iyo Taageerada Bulsho iyo Dhaqan ee Suldaankani Bulshada ka helay ka hor caleemasaarkiisa oo qiyaas beeshay taasina ay sababtay in uu ka Hinaasay mid kamida Salaadiinta ay iskusii jufada suldaanka isla markaana uu Wasiir Warancade  Ka Dalbaday inuu Xabsiga u taxaabo Suldaanka La Caleemo saarayo. Dhinaca kale Dadweynaha Deegaanka Bariga Hargeysa iyo guud ahaanba Caasimada ayaa dareen cadho leh kaga jawaabay xadhiga Suldankan iyagoo ay ku tilmaameen inuu yahay cabudhin laggu hayo hogaanka dhaqanka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here