Ciidammada Qaranka Oo Shalay Ku Waaberiistay Olole Mafiiqo Wata Ka Fuliyey Faras-magaalaha Caasimadda

0
24

Waxa Ay Subixii Hore Isu Xil-qaameen Hawlgal  Ciddii  Fulin Lahayd Ay  Barkimada DheeraysateySaaka-iyo-CIIDAN-QARAN_-310x233

Hargeysa, (Hubaal) — Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa shalay  olole nadaafadeed ka fuliyay Faras-magaalaha iyo meelo ka mid ah xaafadaha Caasimada ku yaala. Hawlgalkan Nadaafadeed ee ay fuliyeen ciidamada Somaliland ayaa waxa uu ahaa mid ay dadka ku dhaqan caasimadu ku soo waabariisteen, waxaana markii hore loo fahmay in ay hawl hawl galo gaar ah wadeen, hasayeeshee waxa ay uu dareenkaasi uu isbedelay markii lagu arkay ciidamada oo sita qalabka dhulka lagu xaadho. Saaka-iyo-CIIDAN-QARAN-1Dhacdadan ayaa noqonaysa midii ugu horeysay in dhawaale lagu arko magaaladda Hargeysa. Sidoo kale dadweynaha Magaaladda Hargeysa ayaa su’aalo iska waydiiyay sababta ay ciidamada Qaranka somaliland ololaha nadaafadeed ay u fuliyeen iyada oo ay magaaladdu doortay ama ka taliyaan gole deegaan. arrintan ayaa fool xumo ku noqonaysa golaha deegaanka ee iyaga ay soo doorteen shacabku.Saaka-iyo-CIIDAN-QARAN-4

Tallaabada Ciidanku qaaday oo Dhiirigelin iyo  tusaale u noqonaysa shaqaalaha ka hawlgala xarumaha dawladda  Somaliland ayaa  farriin u diraysa xataa muwaadiniinta dalka kuwaas oo looga baahan yahay inay sidan oo kale ay maalin ugu soo baxaan nadaafada Dalka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here