Ciidammada Somaliland Oo Dhirbaaxo kulul ku Dhuftay Ciidanka Puntland, Hub & Gaadiidna ka Qabsaday Dagaal Ku dhexmaray deegaanka Yubbe

0
21

Hub Iyo Gaadiid laga qabsaday Ciidanka Puntland Oo Lagu Xusay War-saxaafadeed lagu faahfaahiyey Guulaha Ciidankla Qaranku Kasoo Hooyay Dagaalkii shalay oo kasoo baxay Ciidammada Qaranka Somaliland

Yubbe (Hubaal) – Ciidanka Qaranka JSL ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay maleeshiyaadka Puntland oo soo weeraray deegaanka Kadhada oo 18 Km u jirta deegaanka Yubbe ee Gobolka Sanaag Subaxdii hore ee Shalay arbacadii waxa dagaal deegaanka Kadhada ee Sanaag-bari uu Dagaal ku dhex maray Ciidammada Somaliland ee halkaa ku sugan iyo kuwa Maamul-gobolleedka Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidammada Qaranka Somaliland oo soo gaadhay Hubaal ayaa sheegay in dagaalkaa ay guulo ka soo hooyeen isla-markaana ay Ciidammada Puntland ka furteen Hub, laakiin ma sheegin wax khasaare nafeed ah oo soo kala gaadhay Ciidammada Puntland.

War-saxaafadeedka Ciidammada Somaliland ayaa u qornaa sidan:

“Waxa jira inay Maamulka Puntland ciidamadoodu weerareen shalay 25/2/2020 badhasaabka laasqoray ee Jamhuuriyadda Somaliland, isku dayeena inay dilaan, hase ahatee illaahay ka badbaadiyay, waxay daandaasi  joogta ku hayaan dadka Somaliland ee degan badhan iyo degaanada ku hareeraysan .

Saaka (shalay) abaaro lixdii iyo badhkii (6:30 Am) subaximo, waxay ciidamada Maamulka Puntland isku day dagaal ka bilaabeen degaanka kadhada oo 18km u jira Yubbe, halkaana waxaa isku haleelay ilaaladda hore ee ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dagaal oogayaasha ciidanka Puntland halkaas oo ciidanka qaranku dhirbaaxo lama ilawaana ku dhuftay kana soo hooyeen guulo, iyagoo ka qabsaday hub iyo gaadiid intaba.

Ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland doonimaayo dagaal, laakiin haddii laga dayn waayo daandaansiga joogtada ah wuxuu ka gudan doonaa wajibaadkiisa cid kasta oo isku dayda inay daandaansato Jamhuuriyadda Somaliland.”

 ALLAA MAHAD LEH

CIIDANKA QARANKA GUUL

Afhayeenka Ciidanka Qaranka JSL

Gashaanle Sare Cabdi Cabdilaahi Xasan ( Cabdi Dheere)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here