Ciidammo Weji-garasho Ku Kala Soocay Weriyeyaal Waajibkooda U Kallahay

0
27

Hargeysa (Hubaal)-Taliska Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa  kala doorasho  faquuq ku dhisan ku kala xushay  Warbaahin shalay hawl-maalmeedkeeda shaqo kula kallahday Xarunta Golaha Wakiillada Somaliland. Weriyayaashan oo Ka koobnaa hay’adaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland ka hawl gasha  ayaa cabasho ka muujiyey awaamiir ay ku xidhiidhiyeen in  Taliyaha Booliska iyo saraakiisha ka hoosaysaa ay ku lug yeesheen oo shalay lagaga hor joogsaday in ay gudaha u galaan xarunta golaha wakiillada, kuwaas oo ay sheegeen in lagu kala xushay qaab weji garasho iyo magac dhabidi ku dhisan tahay.

Inkastoo ciidamadii tirada Badnaa ee shalay ee Xarunta Golaha Wakiilladu amar guud ku haysteen inaanay wax warbaahin ahi Gudaha u gelin xarunta Golaha Wakiillada oo  jewi adagi ka taagnaa, ayaa weriyeyaashan oo siyaabo kala duwan uga  hadlay amarkan waxa ay sheegeen in  iyaga oo  dibada kaamboolka golaha ku sugan ay  Taliyaha Ciidamada Booliska iyo ku xigeenkiisu soo dhex galeen warbaahinta isla markaana ay ka dhex xusheen tiro weriyeyaal ah oo ay magac dhabeen , halka kuwii kalena ay halkoodii kaga dhaqaaqeen.

Taliye-ku-xigeenka Ciidamada Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, ayaa isagu si lama filaan ah Afkiisa uga dhawaaqay magacyada warbaahin kooban oo Telefishanno u badnayd, waxana uu intaas sii raaciyey in intaas oo kali ahi gudaha wakiillada geli karaan, isagoo muhiimadda siiyey Warbaahinta dibadda laga leeyahay.

Taliye Fooxle, ayaa iska indho tiray tiro badan oo wariyayaal ah, kuwaas oo Golaha hortiisa in badan meehanaabayey, isla-markaana riix-riix badan kala kulmay Ciidamadii Hubaysnaa ee Goobtaas ku sugnaa.

Dhaqanka noocan ah Ayaan lagu aqoon Xarumaha Dawladda ee kala duwan, waxase kan shalay ay taliska saree e Boolisku ku kaceen loo macnayn karaa mid ay ku beegsanayeen cid ay si gaar ah isha ugu hayeen, isla-markaana ugu hiilinayeen cid waji-garasho iyo iskaashi gaar ahi kala dhexeeyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here