Hargeysa (Hubaal) Xarunta tababarka ciidanka ee Booliska Mandheera, ayaa maalintii shalay tababar looga ilaa 200 oo askari oo loo tababari doono hanaanka cashuur ururinta ee dalka, iyada furitaanka munaasabadaasi ka soo qayb galeen Wasiiru Dawlaha Maaliyada Wasiir ku-xigeenka Amniga Taliyaha Ciidanka Booliska iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka booliska. Waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillahi Fadal Iiman waxaanu si qoto dheer uga waramaya waajibaad saran askari kasta iyo sida ay muhiim u tahay in uu aqoonteeda leeyahaya shaqada uu hayo sida ay tahayna uga soo baxo waxaanu yidhi “waa in uu ogaada askariga bilayska goob kasta oo uu joogo waa in garanayo waajibkiisa Qaran ee loo igmaday, waa in uu aqoon u leeyahay maxaa macna ah oo loo dan leeyahay dhalinyarada sakarandariga ka soo baxday ee ay inta badani tagayso ilaalinta cashuuraha ama taraafiga waxa looga dan leeyahaya in ninku waxna qori karo waxna akhriyi karo”. Waxa isguna halkaasi ka hadlay Wasiiru-dawlaha Wasaarada Maaliyada Somaliland Cismaan Cabdillahi Saxardiid (Cadaani) waxaanu amaan xoogan u soo jeediayay ciidamada kala duwan ee dalka waxanu sheegay in ay kaalin muhiim ah kaga jiraan jiritaanka Qaranimada Somaliland waxaanu ka hadlay ciidankan tababarku u furmay iyo waxa ay tahay muhiimadood waxaana ka mid ahaa hadaladiisi “Waxaanu nahaya kuwa laga sugayo mushaarka macalimiinta ka dhakhaatiirta iyo ka wadaayinka la dhisayay wax waxa ajiin ah ee ay ku dhaqaad Somaliland waa Wasaarada Maaliyada waxaanu rabnaa qof tababar oo dakhliga Jamhuuriyada Somaliland aan musuqmaasuqayn oo aan been ka sheegayn oo wuu u dhaartaye dakhli xalaal ah oo aanu dalka iyo dadka wax ugu qabano ka qayb qaadanaya”