Ciidamo Kamaandoos Ah Oo Ku Ruqaansaday Buuralayda Qolu-Jeed

0
27

Borama(Hubaal) ciidamo Komaandoos ah ayaa ku ruqaansaday Buuralayda galbeed ee Gobolka Awdal, halkaas oo uu ku sugan yahay Suldaan Wabarka ka falaagoobay Somaliland.

Ciidamadan Kamaandooska ah ayaa shalay galab ka baxay Caasimadda Hargeysa, halkaas oo ay in muddo ah ku sugnaayeen, waxaanay gaadheen magaaladda Borama, iyadoo la filayo inay usii dhaafaan deegamada lagu tuhunsan yahay in uu ku dhuumaalaysanayo Suldaan Wabar.

Talaabada ay xukuumaddu ku dhaqaaqday ee ay Ciidamadaas ku dirtay ayaa ka dhashay kadib markii madax dhaqameedka Gobolkaasi ayaa iclaamiyeen in aanay ku taageersanayn mawqifka qaldan ee uu aaminay, kaasoo ay sheegeen in aanu ku matalin bulshada Gobolka ku dhaqan.

newsCiidamada Xukuumaddu u dirtay Suladaan Wabar ayaa la sheegayaa inay cagta soo marin doonaan Maleeshiyo Suldaanka taabacsan oo hanjabaado soo dhigay mareegaha qaarkood, waxaanay arrintaasi dhalisay inay Xukuumaddu ku dhaqaaqdo cudud ciidan inay ku soo dhamaystirto, maadaama Madaxd dhaqameedku iska barri yeelaan dhawaaqii Suldaankaasi.

Si kasta ha ahaatee waxa xalay magaaladda Boramama laga dareemay dhaqdhaqaaq ciidan oo ka badan kii ay dadka Gobolku hore uga cabanayeen, wallow ay taageero u muujiyeen Xukuumadda dadweynihii iyo madax dhaqameedkii ka hadlay arrintan.

Waaheen media

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here