Ciidan Beeleed Dhulka la simay Dhismiha Maxjar Cusub Oo ka Socday Magaaladda Berbera Iyo Weriye Soofadhiiste Oo Xabsiga la dhigay

0
33

Berbera(Hubaal) Ciidamo Police ah Oo Amarka uu Siiyey Badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar Ayaa Maanta Xabsiga U Taxaabay Tfatirihii Guud Ee Shabakada Caalamiga Ah Ee Berberatoday.com Maxamed C/Laahi Soofadhiiste Xili uu ku sugnaa Maxjar ay dhisteen Muwadiniin Reer S/land ah Oo saaka ay qabsadeen Maleeshiyo Beeleed ka amar qaadata Maamulaha Guud ee shirkada Deero Musatafe Cabdi Cawad oo isagu ka soo horjeeda hiraglinta maxjarkan cusub ee ay ku bahoobeen dhawr iyo toban ganacsato ah oo ka soo jeeda dhamaan deegaanada S/land.

 Berbera

Maxjarkan oo dhismihiisu dhawaanahanba ka socday dhinaca koonfur bari ee magaalada Berbera Ayaa waxa si xoogle uga soo horjeestay Maamulaha shirkada Deero Oo isagu Maxjar hore ku leh magaalada Berbera, wuxuuna dhawr jeer xayiray dhismaha maxjarkan cusub isaga oo ku andocoonaya inuu dhulka Maxjarkan isagu leeyahay lakiin markii uu waxba ku waayey Ayuu Saaka Halkii uu ka socday dhismuhu soo Gelieyey Ciidan Beeshisa ah oo ku hubaysan Hubka Noocyadiisa Kala Duwan, waxayna Burburiyeen Inta baddan qalabkii dhismaha ee halkaa yaalay, Markii ay cabaar haysteen goobta waxa gaadhay dad fara badan oo isugu jira ganacsadii maxjarka, ciidanka Amaanka Iyo Masuuliyiin uu horkacayey Goobta Nasiib daro se Nimankan Maleeshiyada ah iyada oo aan cidi wax talaabo ah ka qaadin ayey ka baxeen Goobtaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar Oo isagu Noqonaya Badhasaabkii ugu horeeyey ee Gobolka Saaxila ee Mudo 20 sano ah Inta uu magaalada Berbera Ciidan Beeleed soo galo Wuxuu doonana ka fuliyo haddana si nabad ah ay uga baxaan iyadoo aan wax talaabo ah laga qaadin, fadeexadan ugubka ku ah Gobolka Saaxil Ceebteeda Kowaadna uu leeyey Badhasaabka Gobolka Saaxil Ayaa si anay fadeexadiisu u baahin oo daaha u saaro waxa uu xabsiga dhigay weriye Maxamed C/laahi soofadhiiste Oo Gobtan u tagay si uu xaqiiqada jirta bulshada ugu soo bandhigo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here