Ciidan ka soo Goostay Puntland oo lagu soo Dhaweeyey Taliska Ciidanka Qaranka ee Laascaanood

0
182

Laascaanood (Hubaal)- Cutubyo ka soo goostay ciidammada maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa lagu soo dhaweeyey Taliska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ku leeyahay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Munaasibad loo qabtay qaabillida ciidankan cusub oo ay ka qabgaleen saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland shalay, ayaa lagaga dhawaaqay in ciidanka ka soo goostay Puntland si rasmi ah uga mid noqonayaan ciidammada Qaranka Somaliland.

 

saraakiisha-ciidanka-soo-dhawaysay

 

 

 

 

 

 

 

 

 
Taliyaha Qaybta 7-aad ee Ciidanka Qaranka ee Gobolka Sool Gaashaanle Dhexe Mahad Canbaashe Cilmi oo halkaasi kala hadlay ciidanka soo goostay, ayaa sheegay in kooxo siyaasiyiin iyo madaxdhaqameed asal ahaan ka soo jeeda Sool ay hawlo dibindaabyo iyo majaro-habaabin ah ka wadaan meelo ka mid ah Gobolka, kuwaas oo aan wax dan ah u hayn dadka iyo dalka toona ee caqligu ka xumaaday.
“14 Garaad ayaa yidhi Holhol waanu shiraynaa, markaasaan intaan anigu u tagay ku idhi shira, iminka Garaadadii inta Saaxdheer joogta war ma u haysaan? Hal garaad ayaa ka jooga, 13-kii kale meelo kale ayey ku hadheen, markaa 14-kii garaad markay dhammaayeen taladii ay soo saari kariwaayeen ma Saaxdheer oo hal garaad inoo joogo maanta ayey talo ka soo baxaysaa?” ayuu yidhi Taliye Mahad Canbashe Cilmi.

 

ciidanka-soo-goostay

 

 

 

 

 

 

 

 

 
Sidoo kale, Taliyaha Qaybta 12-aad ee Ciidanka Qaranka ee Gobolka Sool Gaashaanle Dhexe Axmed Hurre oo ka mid ahaa saraakiisha soo dhaweeyey ciidanka soo goostay, ayaa sheegay inay si wayn u soo dhawaynayaan ciidankan, kana mid noqonayaan ciidammada Qaranka.
“Waxaad aragtaan sidaad idinku u muruxsantihiin marka la idin eego, dhammaantiin koofiyado ma sidataan, darajo ma sidataan, halka ciidanka kale ee Somaliland ee halkan tubani ay dhammaan sitaan dirays kiinna ka qurux badan, muuqaal ahaan waxaad moodaa inay idinka hilib wanaagsan yihiin, darajana way wada xidhan yihiin, waxaasi waa dawladnimada.
Qaar ka mid ah ciidanka soo goostay oo halkaasi ka hadlay ayaa ka warramay sababaha ku kelifay inay Somaliland ku soo biiraan, iyagoo sheegay inay ku dhibaatoodeen goobihii ay joogeen, isla markaana ogaadeen in ay marka horeba u tageen dad iyo dal aanay waxba la lahayn.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here