Saylac(Hubaal) Ciidan RRU ah oo galabta laga diray Magaaladda Hargeysa ayaa caawa gaadhay magaaladda Saylac ee xuduudka Jabuuti, waxaanay wararka aanu ka helaynaa sheegayaan in ay isla caawaba ka soo qaadayaan magaaladdaasi nin aan illaa hada la aqoonsan Haybtiisa, kaasoo ciidamadda Booliisku toddobaadkii hore ku qabteen magaaladda Lawyacado ee xuduudka Jabuuti iyo Somaliland, kaasoo looga shakisan yahay in uu yahay Alshabaab.
Ninkan la hayo ayaa wararka qaarkood sheegayaan in la yidhaa Siyaad Muuse Cabdi dhalasho ahaana uu ka soo jeedo Gobolka Gabilay.
Ninkan oo mudada la hayey baadhitaan lagu waday ayay wararka uu helayo wariyaha Hubaalmedia.com ee Gobolka Selal sheegayaan in laga helay warar la xidhiidha kooxda loo aanaynayo in uu ka tirsan yahay ee Alshabaab, taasina ay tahay sababta RRU-da loogu diray caawa si ay Hargeysa u keenaan, balse ilaa hada ma cada in tuhunkaas loo hayaa dhab yahay iyo inkale.
Ciidanka Booliiska Lawyacado ayaa qabtay ninkan oo u talaabayey dhinaca Jabuuti, waxaana lala xidhiidhinayaa in uu usocday si uu halkaas Hawl-galo uga fuliyo, wallow aanay illaa hada Xukuumadda Somaliland soo bandhigin wax Caddaymo ah.
Qabashada ninkan ayaa ka danbaysay kadib markii la adkeeyey amaanka Xuduuda Jabuuti iyo Somaliland, kadib markii Dawladda jabuuti ay adkaysay in dhinaca Somaliland looga soo talaabo, iyadoo ka cabsi qabta inay mar kale qaraxyo ka gaystaan kooxda alshabaab dalkooda.