“ninka la yidhaa Laab-saalax, waxaan u sheegayaa, dalkani waa nabad ee aflegaadooyinka aad ciidanka u gaysatay qoraalkeeda iyo cadaymaheedaba waa lagaa sugayaa”
Taliye-Ku-Xigeenka Ciidanka Booliska Oo U Digay Abwaan BBC-da La Hadlay iyo Farriin uu U Diray Bulshada Somaliland
Hargeysa (Hubaal) Saraakiisha ciidanka booliska Somaliland ayaa shalay warbaahinta u soo bandhigay maandooriyaha Xashiishada oo dhan sagaal kiiloo, isla markaana ay ciidamada boliisku ku soo qabteen hawlgalo ay fuliyeen.
Taliye-ku-xigeenka ciidanka booliska Somaliland, Sareeye guuto Cabdiraxaam Axmed Liibaan Fooxle oo sharaxaya waxyaabaha ay kusoo qabteen hawlgalka ciidanku fuliyey ayaa yidhi; “ciidanka booliska, waxa uu hawlgal ku soo qabtay dhalinyarada wax boobta, tuug iyo khamri. Ciidanku waxay ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigaan sagaal kiiloo iyo badh xashiishad ah.”
Taliye Fooxle waxa uu sheegay inay gacanta ku hayaan gaadhigii lagu siday iyo ciddii sidayba, “waxaanay ku qabteen gaadhiga lambarkiisu yahay 80298 iyo eedaysanaha watay oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Jaamac abdilaahi.” Ayuu yidhi taliyuhu
Taliyuhu waxa uu boggaadiyay dhalinyaro maalmihii ugu dambeeyay ciidanka boliiska ku soo wareejiyay hub ay u isticmaali jireen falal ka dhan ah ammaanka, waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa inaan halkan iga mahadnaqo dhalinyaradii dagaalka iskaga hor iman jirtay, kuwaas oo dhammaan qalabkii ay isku dilijireen ku soo wareejiyay ciidanka booliska, gaar ahaan qaybta bariga, haday tahay mindiyo ah iyo faashashkiiba taliyaha qaybta, runtiina waannu ku ammaanaynaa, waxaanay noqon doonaan kuwo aannu kaga warhayno goobahooga.”
Geetsa kale taliye Fooxle waxa uu ka hadlay waraysi uu abwaan Laabsaalax siiyay BBC-da oo uu kaga hadlay arrimo ammaanka ka dhan ah. “Waxa BBC-da war aan sal iyo raadtoona lahayn ka sheegay, ninka la yidhaa Laab-saalax, kaas oo yidhi waxa dalku ku jiraa nabadgalyo darro, waxa aan leeyahay dalku waa nabad, dhacdaba way dhacdaa, ciidanka boliiskuna waajibkiisa ayuu ka gutaa wixii dhaca, Somaliland dalkeeda ayay ilaashataa, adigu se waxaad u qiildayaysaa dano adiga kuu gaar ah oo aannay dadka inta kula qabin. Waxa aan kula socodsiinayaa meelaha kale ee aad ku xidhan tahay iyo aflegaadooyinka aad ciidanka booliska u gaysatay qoraalkeeda iyo cadaymaheedaba waa lagaa sugayaa. Fanaaniinta qaranka amaan bay naga mudan yihiin dhammaantood, waxaanay ummada uga masuul yihiin wacyigalinta, adiguse waxaad u qiildayaysaa hawlahaagii gaarka ahaa, huteeladaa la xidhay ee aad sheegaysana waxaa loo maray sifo sharciya, weriyahaa ku waraystayna waxaan leeyahay waxa aad baalmartay xeerkii saxaafadda ee dhexdhexaadnimada, waayo dhinac kaliya ayaa waraysatay oo dhinacii kale waxba maad weydiin.” Ayuu yidhi Taliye-ku-xigeenka ciidanka booliska Somaliland, Sareeye guuto Cabdiraxaam Axmed Liibaan Fooxle oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa
Ciidanka booliska ayaa inta badan hawlgalo ku qaada dadka dalka soo galiya xashiishada oo faro baas ku haysa dhalinyarada