Ciidanka Booliska Oo Ka Sharaxaad Ka Bixiyay Laba Nin Oo Ay Xabsiga U Taxaabeen Iyo Falalka Lagu Soo Qabtay Ee Ay Gacanta Kula Jireen

0
41

Hargeysa (Hubaal) Afhayeenka ciidanka booliska Somaliland mudane Faysal Xiis Cilmi ayaa ka hadlay xadhiga agaasimaha Tv-ga Star iyo wariye C/Maalik Muuse Coldoon.

Waxaanu xusay in agaasimaha Tv-ga Star uu meel kaga dhacan mihnadii warbaahinta kuna gafeyy, wakhtigan ay boolisku gacanta ku soo dhigeena uu qaybinayay waraaqo kicin shacab ah.

Sidoo kale Afhayeenku waxaa uu ka hadlay xadhiga wariye C/maalik Muuse, waxaanu tilmaamay inaanay u aqoonsaneyn wariye laakiin ay u aqoonsan yihiin danbiile qaran, dhawaana ay maxkamada hor keeni doonaan.

faysal xiis

Afhayeenka Boolisku isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Ciidanka Boolisku waxaa ay xidheen eedeysane Maxamed Baashe Xaaji Xasan, ahna agaasimaha Star Tv waxaana lagu eedeeyay inuu ku kacay falal ah kicin dadweyne iyo khalkhal galin nabad-galiyo daro isla markaana ka baxay mihnadii warbaahinta ka dib markii uu ka hor yimid mashruuca madaarka Barbara, oo labada gole cod aqlabiyada ku ansaxiyeen, waxaanu eedeysanahani qaybinaayay waraaqo lagu kicinaayay dadweynaha ayaa la qabtay waanu xidhan yahay arrintiisana waanu baadhaynaa oo booliska ayaa gacanta ku haya”

fhayeenku isaga oo hadalkiisa sii-wata waxaa uu intaas ku daray “ 15/2/2017-ka waxaa ciidanka boolisku gacanta ku soo dhigeen eedeysane Cabdimaalik Muuse Coldoon kaas oo lagu eeddeeyay inuu ka hor yimid jiritaanka qaranimada Jamhuuriyada Somaliland, oo uu faafinaayay warar beena oo aan sal iyo raad toona laheyn, waxaanu eedeysanahani ku xad-gudbay qodobka 328 ee xeerka ciqaabta guud, waana qaran dumis oo anigu boolis ahaan ma odhan karo waa wariye, waxaana marag u ah muuqaalada uu baraha bulshada soo galiyay maxkamada ayaanu horkeeni doona”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here